3 : 200
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱصۡبِرُواْ وَصَابِرُواْ وَرَابِطُواْ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ لَعَلَّكُمۡ تُفۡلِحُونَ
Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Samir yeesha oo ku sarreeya samir yeelashada, oo heegan ahaada sugan , Allena ka cabsada aad liibaantaane.
Explanation & meanings · 1
- Idinkoo ku sugan rugahiinna oo ka ilaalinaya cadowga dhulka Islaamka, ama ku sugan masaajidda idinkoo sugaya salaadaha. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Naari ma taabato labo indhood, il u oyday cabsi Alle iyo il u soo jeedday ilaalinta xuduudaha Muslimka.