3 : 96
إِنَّ أَوَّلَ بَيۡتٖ وُضِعَ لِلنَّاسِ لَلَّذِي بِبَكَّةَ مُبَارَكٗا وَهُدٗى لِّلۡعَٰلَمِينَ
Xaqiiq, Gurigii ugu horreeyay ee loogu cayyimay dadka (cibaado) waa midka ku yaal Bakkah , barakaysan, ee u ah hanuun ummadaha .
Explanation & meanings · 2
- Ehlu kitaabka waxay yidhaahdeen Beytkii ugu horreeyey ee loo cayimay cibaadada waa kan ku yaal Baytul Maqdas, markaasuu Alle u jawaabay. Abuu Dar a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Waxaan idhi: Rasuul Allow, Masjidkee u horreeyey masaajidda? Wuxuu yidhi: Masjidka xurmadda badan ee Makkah, waxaan idhi: Yaa ku xiga? Wuxuu yidhi: Masjidka Al-Aqsaa ee Qudus. Waxaan idhi: Yaa ku xiga? Wuxuu yidhi: Meeshii salaad kugu haleeshaba ku tuko dhammaan dhulka waa masaajide. W.w. Axmad.
- Eeg suuradda Al-Baqara Aayadda 125.