3 : 8
رَبَّنَا لَا تُزِغۡ قُلُوبَنَا بَعۡدَ إِذۡ هَدَيۡتَنَا وَهَبۡ لَنَا مِن لَّدُنكَ رَحۡمَةًۚ إِنَّكَ أَنتَ ٱلۡوَهَّابُ
Rabbigayow! Ha weecin quluubtayada kaddib markaad na hanuunisay , noogana hibee xaggaaga Naxariis. Waxaad Adigu tahay Kan Deeq Bixinta Badane.
Explanation & meanings · 1
- Nabigu s.c.w. wuxuu wax badan ku duceysan jirey: 'Allow gedgeddiyaha quluubtow, ku sug qalbigeyga diintaada'.