3 : 86
كَيۡفَ يَهۡدِي ٱللَّهُ قَوۡمٗا كَفَرُواْ بَعۡدَ إِيمَٰنِهِمۡ وَشَهِدُوٓاْ أَنَّ ٱلرَّسُولَ حَقّٞ وَجَآءَهُمُ ٱلۡبَيِّنَٰتُۚ وَٱللَّهُ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلظَّٰلِمِينَ
Sidee Alle u hanuunin qolo gaaloobay rumayntooda kaddib, iyo (kaddib) markay qireen in Rasuulku xaq yahay oo xujooyin cad ay u yimaadeen? Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah (gar diidka).