Skip to content
Liiska Suuradaha /

المؤمنُون

المؤمنُون is chapter 23 of the Quran and has 118 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.

118 Aayadaha Lambarka Suuradda 23
Tag aayad
Soomaaliga · Yacob
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

قَدۡ أَفۡلَحَ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ

Waxaa dhab ahaan liibaanay mu’miniinta.

ٱلَّذِينَ هُمۡ فِي صَلَاتِهِمۡ خَٰشِعُونَ

Kuwa iyagu salaaddooda ku khushuuca.

وَٱلَّذِينَ هُمۡ عَنِ ٱللَّغۡوِ مُعۡرِضُونَ

Ee ah kuwa ka dhowrsada oo jeesada hadalka kiisa xun.

وَٱلَّذِينَ هُمۡ لِلزَّكَوٰةِ فَٰعِلُونَ

Ee ah kuwa fala zakada (bixiya).

وَٱلَّذِينَ هُمۡ لِفُرُوجِهِمۡ حَٰفِظُونَ

Ee ah kuwa ilaaliya xubnahooda hoose ee gaarka ah.