Skip to content
Liiska Suuradaha /

النور

النور is chapter 24 of the Quran and has 64 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.

64 Aayadaha Lambarka Suuradda 24
Tag aayad
Soomaaliga · Yacob
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

سُورَةٌ أَنزَلۡنَٰهَا وَفَرَضۡنَٰهَا وَأَنزَلۡنَا فِيهَآ ءَايَٰتِۭ بَيِّنَٰتٖ لَّعَلَّكُمۡ تَذَكَّرُونَ

(Tani) waa suurad aan soo dejinnay oo waajibinnay (ku camal falka axkaanteeda), kuna soo dejinnay dhexdeeda Aayado cad cad inaad xusuusataan (oo ku waano qaadataan).

ٱلزَّانِيَةُ وَٱلزَّانِي فَٱجۡلِدُواْ كُلَّ وَٰحِدٖ مِّنۡهُمَا مِاْئَةَ جَلۡدَةٖۖ وَلَا تَأۡخُذۡكُم بِهِمَا رَأۡفَةٞ فِي دِينِ ٱللَّهِ إِن كُنتُمۡ تُؤۡمِنُونَ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِۖ وَلۡيَشۡهَدۡ عَذَابَهُمَا طَآئِفَةٞ مِّنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

Zaaniydda iyo Zaaniga ku jeedala midkood walba boqol jeedal . Yeysanna turid aad u tureysaan idinka celin fulinta Amarka Alle, haddaad rumeysan tihiin Alle iyo Maalinta Aakhiro, waana inay koox mu’miniin ah goob joog ka ahaadaan ciqaabkooda.

Explanation & meanings · 3
  1. Zaaniyadda (dhillada) iyo zaaniga (dhillayga) waxaa lagu fulin ciqaabkaa hadday iskood u qirtaan inay faleen galmo xaaraan ah ama hadday ku marag furaan afar nin oo caadil ah.
  2. Xukunka ku soo arooray Aayaddan wuxuu ku gaar yahay kuwa ku dhaca denbiga zinada (galmada xaaraanta ah) iyagoo aan horay marnaba u guursan, waa in la jeedalo boqol jeedal oo sannad la fogeeyo sida in la xabbiso. Qofkiise zineysta isagoo xaas ah ama horay u soo guursaday oo si dhan u qirta denbigaa, ama ay ku markhaati furaan afar nin oo caadil ah, waa in lagu shiido dhagax ilaa uu ka dhinto.
  3. Waa inaysan turid aad u tureysaan dhillada iyo dhillayga idiin horseedin inaad wax ka beddeshaan wuxuu Alle qoray oo soo gooyey, waayo xeerarkiisa waxaa ugu jira dhowris iyo daryeel danaha dadweynaha oo dhan.

ٱلزَّانِي لَا يَنكِحُ إِلَّا زَانِيَةً أَوۡ مُشۡرِكَةٗ وَٱلزَّانِيَةُ لَا يَنكِحُهَآ إِلَّا زَانٍ أَوۡ مُشۡرِكٞۚ وَحُرِّمَ ذَٰلِكَ عَلَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

Zaanigu (dhillaygu) ma uu la galmo galo waxaan aheyn Zaaniyad (dhillo) ama Mushrikad (gaalad), Zaaniyaddana (dhillada) ma ay la galmo galaan waxaan aheyn zaani (dhillay) ama Mushrik (gaal), waana ka xaaraan mu’miniinta 'guursiga kuwaasi iyaga ah' .

Explanation & meanings · 1
  1. Dadkaa oo kale (dhillada ama dhillayga) looma guurin karo mu’miniinta in maahee ay tawbad keeneen oo toosnaadeen oo laga arko isbeddel wanaagsan iyo hanuun. Waxaa sidoo kale lagu fasiray ninka zaaniga ah (dhillayga) ma guursado waxaan ahayn zaaniyad (dhillo) la mid ah ama gaalad, haweenta zaaniyadda ahina (dhillada) waxaa guursada uun zaani (dhillay) la mid ah ama gaal, waana laga xaaraanshay mu’miniinta guursiga kuwaasi iyaga ah.

وَٱلَّذِينَ يَرۡمُونَ ٱلۡمُحۡصَنَٰتِ ثُمَّ لَمۡ يَأۡتُواْ بِأَرۡبَعَةِ شُهَدَآءَ فَٱجۡلِدُوهُمۡ ثَمَٰنِينَ جَلۡدَةٗ وَلَا تَقۡبَلُواْ لَهُمۡ شَهَٰدَةً أَبَدٗاۚ وَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡفَٰسِقُونَ

Kuwa qadfa (ku sheega) dumar (ama rag) dhowrsoon (zino-dhilleysi), oo aan keenin afar markhaati ah, jeedala siddeetan jeedal, hana ka yeelina wax marag fur ah abadkood, kuwaasina waa uun faasiqiin.

إِلَّا ٱلَّذِينَ تَابُواْ مِنۢ بَعۡدِ ذَٰلِكَ وَأَصۡلَحُواْ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمٞ

Kuwa tawbad keena intaas kaddib ma’ahee, oo samaada, hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.