Skip to content
Liiska Suuradaha /

يُوسُف

يُوسُف is chapter 12 of the Quran and has 111 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.

111 Aayadaha Lambarka Suuradda 12
Tag aayad
Soomaaliga · Yacob
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

الٓرۚ تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱلۡكِتَٰبِ ٱلۡمُبِينِ

Alif Laam Raa . Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka (Qur’aanka) cad.

Explanation & meanings · 1
  1. Eeg sharaxa Suuraddda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1.

إِنَّآ أَنزَلۡنَٰهُ قُرۡءَٰنًا عَرَبِيّٗا لَّعَلَّكُمۡ تَعۡقِلُونَ

Annaga (Alle ah) baa xaqiiq soo dejinnay Qur’aan Carabi ah si aad u fahantaan .

Explanation & meanings · 1
  1. Allaah Qur’aanka wuxuu ku soo dejiyey afka u sharaf badan afafka, af Carabi, Nabiga ugu sharaf badan anbiyada,Nabi Muxammad, waxaa ka soo gaaarsiiyey xagga Alle Malagga ugu sharaf badan malaa’igta, malag Jabriil, meesha ugu sharaf badan meelaha waa lagu soo dejiyey (Makkah), bisha ugu sharaf badan bilahana (bisha Ramadaan) waa la soo dejiyey, waana Kitaabka u sharaf badan Kutubta uu soo dejiyey Alle. Sidaasuu dhan walba kaamil uga yahay Qur’aanku.

نَحۡنُ نَقُصُّ عَلَيۡكَ أَحۡسَنَ ٱلۡقَصَصِ بِمَآ أَوۡحَيۡنَآ إِلَيۡكَ هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانَ وَإِن كُنتَ مِن قَبۡلِهِۦ لَمِنَ ٱلۡغَٰفِلِينَ

Annaga ayaa kaaga qisoon qisooyinka midda u wanaagsan, ee aanu kuugu waxyoonno Qur'aankan, inkastoo ka hor, aad ka mid aheyd kuwaan u war heyn.

إِذۡ قَالَ يُوسُفُ لِأَبِيهِ يَٰٓأَبَتِ إِنِّي رَأَيۡتُ أَحَدَ عَشَرَ كَوۡكَبٗا وَٱلشَّمۡسَ وَٱلۡقَمَرَ رَأَيۡتُهُمۡ لِي سَٰجِدِينَ

Markuu Yuusuf ku yidhi aabbihii: "Aabbow! Waxaan arkay kow iyo toban xiddigood iyo qorraxda iyo dayaxa, waxaan arkay iyagoo ii sujuudsan.

قَالَ يَٰبُنَيَّ لَا تَقۡصُصۡ رُءۡيَاكَ عَلَىٰٓ إِخۡوَتِكَ فَيَكِيدُواْ لَكَ كَيۡدًاۖ إِنَّ ٱلشَّيۡطَٰنَ لِلۡإِنسَٰنِ عَدُوّٞ مُّبِينٞ

(Yacquub) wuxuu yidhi: Maandhow! Ha uga qisoon riyadaada walaalahaa, si aanay kuugu dhigin shir qool iyo dabin kaa dhan ah: hubaal Shaydaanku wuxuu u yahay aadmiga cadow cad.