12 : 37
قَالَ لَا يَأۡتِيكُمَا طَعَامٞ تُرۡزَقَانِهِۦٓ إِلَّا نَبَّأۡتُكُمَا بِتَأۡوِيلِهِۦ قَبۡلَ أَن يَأۡتِيَكُمَاۚ ذَٰلِكُمَا مِمَّا عَلَّمَنِي رَبِّيٓۚ إِنِّي تَرَكۡتُ مِلَّةَ قَوۡمٖ لَّا يُؤۡمِنُونَ بِٱللَّهِ وَهُم بِٱلۡأٓخِرَةِ هُمۡ كَٰفِرُونَ
Wuxuu yidhi: "Ma jirto cunto la idin siin oo aanan idiin sheegi doonin fasirkeeda ka hor inta aysan idiin imaan. kani waa wax ka mid ah waxa Rabbigay i baray. Waxaan anigu iskaga tagay diinta qolo aan rumaysnayn Alle oo ah kuwa beeniya Aakhirada.