Skip to content
Liiska Suuradaha /

هُود

هُود is chapter 11 of the Quran and has 123 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.

123 Aayadaha Lambarka Suuradda 11
Tag aayad
Soomaaliga · Yacob
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

الٓرۚ كِتَٰبٌ أُحۡكِمَتۡ ءَايَٰتُهُۥ ثُمَّ فُصِّلَتۡ مِن لَّدُنۡ حَكِيمٍ خَبِيرٍ

Alif Laam Raa . (Kani waa) Kitaab (Qur’aan), Aayadihiisa la sugay, lagana soo caddeeyey Xagga Xigmad Badane, Xog Ogaal ah (waa Alle'e).

Explanation & meanings · 2
  1. Eeg sharaxa Suuradda 2: Aayadda1.
  2. Wuxuu u kala dhigdhigaa Kitaabka noocyo leh: towxiid, axkaan, qisooyin, anshaxa iyo asluubta wanaagsan, dabeecadda san, cilmi, yabooh, gooddin, iwm oo wuxuu isugu xijiyaa Suurad Suurad, iyo Aayad Aayad.

أَلَّا تَعۡبُدُوٓاْ إِلَّا ٱللَّهَۚ إِنَّنِي لَكُم مِّنۡهُ نَذِيرٞ وَبَشِيرٞ

Inaydaan caabudin waxaan Alle ahayn. Anigu waxaan idiin ahay Xaggiisa dige iyo bishaareeye.

وَأَنِ ٱسۡتَغۡفِرُواْ رَبَّكُمۡ ثُمَّ تُوبُوٓاْ إِلَيۡهِ يُمَتِّعۡكُم مَّتَٰعًا حَسَنًا إِلَىٰٓ أَجَلٖ مُّسَمّٗى وَيُؤۡتِ كُلَّ ذِي فَضۡلٖ فَضۡلَهُۥۖ وَإِن تَوَلَّوۡاْ فَإِنِّيٓ أَخَافُ عَلَيۡكُمۡ عَذَابَ يَوۡمٖ كَبِيرٍ

Oo weydiista denbi dhaaf Rabbigiin, una tawbad keena, wuxuu idin siin sahay wanaagsan ilaa muddo magacaaban, kuna galladeysan Deeqdiisa mid kastoo wanaagsan oo khayr qabe ah. Haddiise aad (ka) jeesataan (Iimaanka iyo camalka san), waxaan anigu idiinka cabsan cadaab Maalin Weyn (Qiyaamada).

إِلَى ٱللَّهِ مَرۡجِعُكُمۡۖ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٌ

Waa xagga Alle meel noqodkiinna, Isagaana wax walba Kara.

أَلَآ إِنَّهُمۡ يَثۡنُونَ صُدُورَهُمۡ لِيَسۡتَخۡفُواْ مِنۡهُۚ أَلَا حِينَ يَسۡتَغۡشُونَ ثِيَابَهُمۡ يَعۡلَمُ مَا يُسِرُّونَ وَمَا يُعۡلِنُونَۚ إِنَّهُۥ عَلِيمُۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ

Ogaada, hubaal, waxay laabaan laabahooda, si ay uga qariyaan (cadaawadooda) Xaggiisa. Markayse isku dedaan maryahooda, Wuxuu Ogsoon yahay waxay qarsadaan iyo waxay muujiyaanba, Hubaal (Alle) wuu Og yahay waxa ku jira laabaha (dadka).

Explanation & meanings · 1
  1. Waxay qarsadaan cadaawad iyo nifaaq iyo naceyb ay u hayaan Rasuulka Alle s.c.w.