12 : 58
وَجَآءَ إِخۡوَةُ يُوسُفَ فَدَخَلُواْ عَلَيۡهِ فَعَرَفَهُمۡ وَهُمۡ لَهُۥ مُنكِرُونَ
Yuusuf walaalihiis baa yimid , markaasay u soo galeen, wuuna aqoonsaday iyagoon garanayn .
Explanation & meanings · 2
- Taariikhyahannada waxay sheegeen inay ka dhacday abaar daran Masar iyo nawaaxigeeda. Wuxuuna Nabi Yacquub u tilmaamay Yuusuf walaaladi inay aadaan Madyan oo la kulmaan ragga Masar u haya xilka si ay uga dalbaan raashin.
- Iyagu ma garan isbeddelka ku dhacay muuqaalkiisa darteed ee sannado soo mareen.