Skip to content

Waa maxay shuruudda ay ku ansaxeyso masaxidda buudadka?

الباب / الفصل
قسم الفقه

السؤال

س١٣: ما هي شروط صحة المسح على الخفين؟

S13: Waa maxay shuruudda ay ku ansaxeyso masaxidda buudadka?

الجواب

ج:١. أن يلبس الخفين على طهارة، أي بعد وضوء.

لحديث المغيرة رضي الله عنه قال: كنت مع النبي صلى الله عليه وسلم في سفر، فأهويت لأنزع خفيه، فقال:

«دعهما فإني أدخلتهما طاهرتين». فمسح عليهما.

متفق عليه.

  1. أن يكون الخف طاهرًا، فلا يجوز المسح على النجس.
  2. أن يكون الخف ساترًا للمحل المفروض غسله في الوضوء.
  3. أن يكون المسح خلال المدة المحددة، للمقيم غير المسافر: يوم وليلة، وللمسافر: ثلاثة أيام ولياليهن.

لحديث علي رضي الله عنه:

جعل رسول الله صلى الله عليه وسلم ثلاثة أيام ولياليهن للمسافر، ويومًا وليلة للمقيم.

رواه مسلم.

J: 1. Inuu gashado shurabaadka isagoo dahaara qaba weyseysi kaddib,

Tixraac xadiiska Al-Mughiirah Allaha ka raali noqdee oo yidhi: Waxaan ku wehliyey Nabiga sallallaahu calayhi wasallam safar, markaasaan u foorarsaday si aan u soo siibo labadiisa buud, markaasuu yidhi: "

"Iska daa waxaan gashaday iyagoo daahir ah". Markaasuu masaxay.

Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.

  1. Waa inuu shurabaadku daahir yahay, oo ma bannaana in la masaxo wax najaaso leh.
  2. Waa in kabaha buudka asturaa halka ay tahay in la meyro weyseysiga oo kabo aan astureyn ma aha in la masaxo.
  3. In masaxiddu dhacdo muddada la oggol yahay dhexdeeda, qofka aan safarka ku jirin waa maalin iyo habeen, qofka socdaalka ku jirana waa seddex maalmood iyo habeennadood.

Tixraac xadiiska Cali a.k.r.:

Wuxuu ka yeeley Rasuulka Alle sallallaahu calayhi wasallam muddada uu masaxayo qofku buudka, seddex maalmood iyo habeennadooda musaafirka, iyo habeen iyo maalin qofka degaankiisa jooga.

Waxaa soo weriyey Muslim.