Skip to content
الأعرَاف /

Aayad 157

7 : 157

Aayad 157 of الأعرَاف (7 : 157). This page carries the verse in the Uthmani script with a translation of its meaning, at a stable URL that can be cited on its own.

الأعرَاف Aayadaha 206
Suurad · الأعرَاف
Soomaaliga · Yacob
7 : 157

ٱلَّذِينَ يَتَّبِعُونَ ٱلرَّسُولَ ٱلنَّبِيَّ ٱلۡأُمِّيَّ ٱلَّذِي يَجِدُونَهُۥ مَكۡتُوبًا عِندَهُمۡ فِي ٱلتَّوۡرَىٰةِ وَٱلۡإِنجِيلِ يَأۡمُرُهُم بِٱلۡمَعۡرُوفِ وَيَنۡهَىٰهُمۡ عَنِ ٱلۡمُنكَرِ وَيُحِلُّ لَهُمُ ٱلطَّيِّبَٰتِ وَيُحَرِّمُ عَلَيۡهِمُ ٱلۡخَبَٰٓئِثَ وَيَضَعُ عَنۡهُمۡ إِصۡرَهُمۡ وَٱلۡأَغۡلَٰلَ ٱلَّتِي كَانَتۡ عَلَيۡهِمۡۚ فَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ بِهِۦ وَعَزَّرُوهُ وَنَصَرُوهُ وَٱتَّبَعُواْ ٱلنُّورَ ٱلَّذِيٓ أُنزِلَ مَعَهُۥٓ أُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُفۡلِحُونَ

Kuwa raaca Rasuulka-Nabiga aan waxna qorin, waxna akhrin, oo ay ka helayaan isagoo ku qoran Tawraadda iyo Injiilka - kaasoo amra wanaagga kana reeba xumaanta, oo u xalaaleeya waxyaalaha wanaagsan kana xaaraameeya Waxyaalaha xun oo ka dejiya culayskooda iyo xargihii korkooda ahaa . Kuwa rumeeya (Nabigaa) oo sharfa, oo u gargaara oo raaca Nuurka (Qur’aanka) lala soo diray, waa kuwaa kuwa ah liibaanayaasha.

Explanation & meanings · 1
  1. Shareecada Nabi Muxammad ma leh iskallifaad culus oo adag sida xilalka adag ee la saaray ilmihii Israa’iil. Haddii aynu tusaale ka bixinno taa waxaa sharcigooda ka mid ahaa in la dilo qofka si ay u ansaxdo tawbadiisa, iyo in la dilo qofkii qof dila ha u dilo kas iyo ula kac am ula kac la’aan, iyo in la gooyo xubinta uu ka sameeyo xumaanta, in la gooyo marada meeshay najaaso gaarto.