Skip to content
Liiska Suuradaha /

الأنعَام

الأنعَام is chapter 6 of the Quran and has 165 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.

165 Aayadaha Lambarka Suuradda 6
Tag aayad
Soomaaliga · Yacob
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَجَعَلَ ٱلظُّلُمَٰتِ وَٱلنُّورَۖ ثُمَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِرَبِّهِمۡ يَعۡدِلُونَ

Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Allaah, ee abuuray samooyinka iyo arlada, oo yeelay mugdiyada iyo nuurka, sidaa oy tahay kuwa gaalada ah waxay u yeelaan shariigyo ay la mid dhigaan Rabbigood.

هُوَ ٱلَّذِي خَلَقَكُم مِّن طِينٖ ثُمَّ قَضَىٰٓ أَجَلٗاۖ وَأَجَلٞ مُّسَمًّى عِندَهُۥۖ ثُمَّ أَنتُمۡ تَمۡتَرُونَ

(Alle) waa Kan idinka abuuray dhoobo, markaas (idiin) qaddaray muddo (aad ku dhimataan), waxaana jira muddo (kale oo) magaacaban (Saacadda Qiyaame) uu Isagu (Alle keliya) Og yahay, idinkuse (gaaloy) waad ka shakisan tihiin oo ka dooddaan.

وَهُوَ ٱللَّهُ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَفِي ٱلۡأَرۡضِ يَعۡلَمُ سِرَّكُمۡ وَجَهۡرَكُمۡ وَيَعۡلَمُ مَا تَكۡسِبُونَ

(Alle) waa Isaga Ilaaha (Keliyee Xaqa ah ee lagu caabudo) samooyinka gudahooda iyo arlada, wuxuu Ogsoon yahay sirtiinna iyo caadkiinnaba, wuxuuna Ogsoon yahay waxaad kasbataan (oo camallo ah khayr ama shar).

وَمَا تَأۡتِيهِم مِّنۡ ءَايَةٖ مِّنۡ ءَايَٰتِ رَبِّهِمۡ إِلَّا كَانُواْ عَنۡهَا مُعۡرِضِينَ

Uma timaaddo Aayad (Calaamad, mucjiso, xujo, daliil, iwm) ka mid ah Aayadaha Rabbigood, waase ka jeesadaan.

فَقَدۡ كَذَّبُواْ بِٱلۡحَقِّ لَمَّا جَآءَهُمۡ فَسَوۡفَ يَأۡتِيهِمۡ أَنۢبَٰٓؤُاْ مَا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ

Waxay beeniyeen Xaqa markuu u yimid, waxaase u iman doona xaqiiqda arrinkay ku jees jeesayeen.