Skip to content
الأنعَام /

Aayad 121

6 : 121

Aayad 121 of الأنعَام (6 : 121). This page carries the verse in the Uthmani script with a translation of its meaning, at a stable URL that can be cited on its own.

الأنعَام Aayadaha 165
Suurad · الأنعَام
Soomaaliga · Yacob
6 : 121

وَلَا تَأۡكُلُواْ مِمَّا لَمۡ يُذۡكَرِ ٱسۡمُ ٱللَّهِ عَلَيۡهِ وَإِنَّهُۥ لَفِسۡقٞۗ وَإِنَّ ٱلشَّيَٰطِينَ لَيُوحُونَ إِلَىٰٓ أَوۡلِيَآئِهِمۡ لِيُجَٰدِلُوكُمۡۖ وَإِنۡ أَطَعۡتُمُوهُمۡ إِنَّكُمۡ لَمُشۡرِكُونَ

Ha cunina waxa (hilibka neefka) aan lagu xusin Magaca Alle (markii la gowracayey), waayo waa caasiyoobid. Shaydaammaduna waxay u soo jeediyaan saaxiibbadood inay idin la doodaan , haddaad adeecdaan, waxaad idinkuna tihiin gaalo mushrikiin ah.

Explanation & meanings · 1
  1. Taasina waxay ahayd in mushrikiinta yidhaahdeen: Muxammadow bal waxaad nooga warrantaa ri’da? Hadday dhimato yaa dilay? Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Alle baa dilay. Waxay yidhaahdeen: Haddaba ma waxaad ku andacooneysaa waxaad dishaan adiga iyo asxaabtaada inay yihiin xalaal, waxana ay dilaan eyga iyo galleyrka iyo haramcadka ay yihiin xalaal, waxase uu Alle dilo ay xaaraan tahay in la cuno. Markaasuu Alle soo dejiyey Aayaddan.