6 : 14
قُلۡ أَغَيۡرَ ٱللَّهِ أَتَّخِذُ وَلِيّٗا فَاطِرِ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَهُوَ يُطۡعِمُ وَلَا يُطۡعَمُۗ قُلۡ إِنِّيٓ أُمِرۡتُ أَنۡ أَكُونَ أَوَّلَ مَنۡ أَسۡلَمَۖ وَلَا تَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ
Dheh: Ma waxaan yeeshaa wali (sokeeye, gargaare, ilaah, rabbi) aan aheyn Alle, askumaha samooyinka iyo arlada? Isagaa wax quudiya, lamana quudiyo. Dheh: Waxaa la i amray inaan ahaado kan u horreeya ee u hoggaansama (Alle). Ha ka mid noqoninna mushrikiinta.