6 : 143
ثَمَٰنِيَةَ أَزۡوَٰجٖۖ مِّنَ ٱلضَّأۡنِ ٱثۡنَيۡنِ وَمِنَ ٱلۡمَعۡزِ ٱثۡنَيۡنِۗ قُلۡ ءَآلذَّكَرَيۡنِ حَرَّمَ أَمِ ٱلۡأُنثَيَيۡنِ أَمَّا ٱشۡتَمَلَتۡ عَلَيۡهِ أَرۡحَامُ ٱلۡأُنثَيَيۡنِۖ نَبِّـُٔونِي بِعِلۡمٍ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
Siddeed lammaane ah; labo ido ah iyo labo riyo ah. Dheh: Ma labada labka ah buu xaaraameeyey mise labada dheddig, mise (ilmaha) ku jira uurarka labada dheddig? Ii sheega si cilmi ah haddaad run sheegaysaan.