6 : 63
قُلۡ مَن يُنَجِّيكُم مِّن ظُلُمَٰتِ ٱلۡبَرِّ وَٱلۡبَحۡرِ تَدۡعُونَهُۥ تَضَرُّعٗا وَخُفۡيَةٗ لَّئِنۡ أَنجَىٰنَا مِنۡ هَٰذِهِۦ لَنَكُونَنَّ مِنَ ٱلشَّٰكِرِينَ
Dheh: Waa kuma kaa idinka badbaadiya halisaha barriga iyo badda (marka) aad baridaan (si caddaan ah) isu dulleyn iyo qarsoodiba (idinkoo dhihi): Hadduu naga badbaadiyo (halis) tan, waxaanu ka mid noqon kuwa mahadiya.