Skip to content
Liiska Suuradaha /

الفَتح

الفَتح is chapter 48 of the Quran and has 29 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.

29 Aayadaha Lambarka Suuradda 48
Tag aayad
Soomaaliga · Yacob
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

إِنَّا فَتَحۡنَا لَكَ فَتۡحٗا مُّبِينٗا

Waxaanu ku siinnay (Nabi Muxammadow) guul cad .

Explanation & meanings · 1
  1. Al-Fatax: Furashada ama Guusha. Waxaana loola jeedaa heshiiskii Al-Xudaybiyah ee sababta u ahaa furashada Makkah iyo magaalooyin kaleba.

لِّيَغۡفِرَ لَكَ ٱللَّهُ مَا تَقَدَّمَ مِن ذَنۢبِكَ وَمَا تَأَخَّرَ وَيُتِمَّ نِعۡمَتَهُۥ عَلَيۡكَ وَيَهۡدِيَكَ صِرَٰطٗا مُّسۡتَقِيمٗا

Si uu Alle kuugu dhaafo wixii horay kaaga dhacay oo denbi ah, iyo waxa dib kaaga dhici karaba, kuuguna dhammaysti- ro Nicmaddiisa, oo kuugu hanuuniyo Tub Toosan.

وَيَنصُرَكَ ٱللَّهُ نَصۡرًا عَزِيزًا

Oo kuu gargaaro Alle gargaar weyn.

هُوَ ٱلَّذِيٓ أَنزَلَ ٱلسَّكِينَةَ فِي قُلُوبِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ لِيَزۡدَادُوٓاْ إِيمَٰنٗا مَّعَ إِيمَٰنِهِمۡۗ وَلِلَّهِ جُنُودُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا حَكِيمٗا

Alle waa Kan ku soo dejiyey xasillooni quluubta mu’miniinta, si ay iimaan ugu ziyaadsadaan iimaankoodii; Alle baana iska leh ciidammada samooyinka iyo arlada. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.

لِّيُدۡخِلَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَا وَيُكَفِّرَ عَنۡهُمۡ سَيِّـَٔاتِهِمۡۚ وَكَانَ ذَٰلِكَ عِندَ ٱللَّهِ فَوۡزًا عَظِيمٗا

Si uu u geliyo mu’miniinta iyo mu’minoo- yinka jannooyin (beero) ay webiyo hoos qul-qulaan iyagoo ku waaraya dhexdeeda weligood, oo uga tirtiro xume falkooda, (arrin)kaasina Alle agtiis waa Liibaan Weyn