Skip to content
Liiska Suuradaha /

مُحمد

مُحمد is chapter 47 of the Quran and has 38 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.

38 Aayadaha Lambarka Suuradda 47
Tag aayad
Soomaaliga · Yacob
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَصَدُّواْ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ أَضَلَّ أَعۡمَٰلَهُمۡ

Kuwa gaalooba oo ka hor istaaga (dadka) Jidka Alle wuxuu (Alle) burin acmaashooda san .

Explanation & meanings · 1
  1. Maadaama ayan towxiidka qaadan iyo caqiidada saxiixa ah.

وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ وَءَامَنُواْ بِمَا نُزِّلَ عَلَىٰ مُحَمَّدٖ وَهُوَ ٱلۡحَقُّ مِن رَّبِّهِمۡ كَفَّرَ عَنۡهُمۡ سَيِّـَٔاتِهِمۡ وَأَصۡلَحَ بَالَهُمۡ

Kuwase (Xaqa) rumeeyey oo fala samaha oo rumeeyey (Qur’aanka) lagu soo dejiyey Muxammad oo ah Xaq ka yimid Rabbigood, wuxuu (Alle) ka tiritiri xumahay faleen, hagaajinna xaalkooda .

Explanation & meanings · 1
  1. Si ay u ogaadaan natiijada waxay doorteen.

ذَٰلِكَ بِأَنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ ٱتَّبَعُواْ ٱلۡبَٰطِلَ وَأَنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱتَّبَعُواْ ٱلۡحَقَّ مِن رَّبِّهِمۡۚ كَذَٰلِكَ يَضۡرِبُ ٱللَّهُ لِلنَّاسِ أَمۡثَٰلَهُمۡ

Sidaas waxaa ugu wacan kuwaa gaalooba waxay raacaan been iyo baadil aan jirin, kuwase mu'miniinta ah waxay raacaan Xaqa ka yimid Rabbigood. Sidaasuu Alle ugu soo tusaale qaadaa dadka.

فَإِذَا لَقِيتُمُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فَضَرۡبَ ٱلرِّقَابِ حَتَّىٰٓ إِذَآ أَثۡخَنتُمُوهُمۡ فَشُدُّواْ ٱلۡوَثَاقَ فَإِمَّا مَنَّۢا بَعۡدُ وَإِمَّا فِدَآءً حَتَّىٰ تَضَعَ ٱلۡحَرۡبُ أَوۡزَارَهَاۚ ذَٰلِكَۖ وَلَوۡ يَشَآءُ ٱللَّهُ لَٱنتَصَرَ مِنۡهُمۡ وَلَٰكِن لِّيَبۡلُوَاْ بَعۡضَكُم بِبَعۡضٖۗ وَٱلَّذِينَ قُتِلُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ فَلَن يُضِلَّ أَعۡمَٰلَهُمۡ

Ee markaad kula kulantaan dagaal gaalada ka garaaca luqumaha; markaad jabisaanna, ku adkeeya xadhigga 'maxaabiista dagaalka' , intaa kaddib ku sii daaya axsaan fal ama ha is furteen jeer ay car-carta dagaalku degto (oo nabaddu faafto). Waa sidaase, haddii Alle doono, Isaga Naf ahaantiisa baa ka aarsan lahaa (dagaal la'aan), waase si uu ugu imtixaano qaarkiinba qaar kale . Kuwa lagu dilaa Jidka Alle marnaba (Alle) ma luminayo camalladooda.

Explanation & meanings · 3
  1. Inta harta u soo qaata qafaal ahaan.
  2. Sii daaya idinkoon ka qaadan wax madax furasho ah.
  3. Ilaa la dhigo hubka iyo qalabka dagaalka, waxaa loola jeedaa ilaa dagaalka ka dhammaado oo nabaddu faafto.

سَيَهۡدِيهِمۡ وَيُصۡلِحُ بَالَهُمۡ

(Alle) wuu hanuunin kuwaas oo hagaajin xaalkooda.