Skip to content
Liiska Suuradaha /

الحُجُرَات

الحُجُرَات is chapter 49 of the Quran and has 18 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.

18 Aayadaha Lambarka Suuradda 49
Tag aayad
Soomaaliga · Yacob
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تُقَدِّمُواْ بَيۡنَ يَدَيِ ٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦۖ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَۚ إِنَّ ٱللَّهَ سَمِيعٌ عَلِيمٞ

Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka hor marinnina (qowlkiinna) (qowlka) Alle iyo Rasuulkiisa . Alle ka cabsada. Hubaal Alle waa wax kasta Maqle, Wax kasta Og.

Explanation & meanings · 1
  1. Waxaa loola jeedaa uma bannaana mu’miniinta inay ka bixiyaan wax xukun ah arrin ay ahaataba haddii aanay oggolaansho iyo daliil ka heysan Alle iyo Rasuulkiisa.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَرۡفَعُوٓاْ أَصۡوَٰتَكُمۡ فَوۡقَ صَوۡتِ ٱلنَّبِيِّ وَلَا تَجۡهَرُواْ لَهُۥ بِٱلۡقَوۡلِ كَجَهۡرِ بَعۡضِكُمۡ لِبَعۡضٍ أَن تَحۡبَطَ أَعۡمَٰلُكُمۡ وَأَنتُمۡ لَا تَشۡعُرُونَ

Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha u qaadina kor codadkiinna si ka sarreysa codka Nabiga, hana kula tannaagoogina hadalka sida aad isugula tannaagootaan qaarkiinba qaarka kale, si aan camalkiinna u burin idinkoo aan dreemeyn.

إِنَّ ٱلَّذِينَ يَغُضُّونَ أَصۡوَٰتَهُمۡ عِندَ رَسُولِ ٱللَّهِ أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ ٱمۡتَحَنَ ٱللَّهُ قُلُوبَهُمۡ لِلتَّقۡوَىٰۚ لَهُم مَّغۡفِرَةٞ وَأَجۡرٌ عَظِيمٌ

Hubaal kuwa hoos u dhiga cododkooda marka ay hor joogaan Rasuulka Alle, waa kuwaas kuwa uu Quluubtooda Alle imtixaanay xagga dhowrsashadooda, waxay leeyihiin denbi dhaaf iyo abaalgud weyn (Janno).

إِنَّ ٱلَّذِينَ يُنَادُونَكَ مِن وَرَآءِ ٱلۡحُجُرَٰتِ أَكۡثَرُهُمۡ لَا يَعۡقِلُونَ

Kuwase kaaga dhawaaqa qololka gadaashood, badankoodu ma aha wax garad.

وَلَوۡ أَنَّهُمۡ صَبَرُواْ حَتَّىٰ تَخۡرُجَ إِلَيۡهِمۡ لَكَانَ خَيۡرٗا لَّهُمۡۚ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٞ

Hadday samri lahaayeenna intaad uga soo bixi,baa u khayr badnaan laheyd. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.