Waa maxay faraa'idda/waajibyada weysada, waana intee tiro ahaan?
- الموضوعات
- الطهارةأحكام الوضوء
- التصنيف الشرعي
- الفقهالطهارةالوضوءأركان الوضوء
- الباب / الفصل
- قسم الفقه
السؤال
س5: ما هي فرائض الوضوء، وعددها؟
S5: Waa maxay faraa'idda/waajibyada weysada, waana intee tiro ahaan?
الجواب
ج:هي التي لا يصح وضوء المسلم إذا ترك واحدة منها.
- غسل الوجه، ومنه المضمضة والاستنشاق.
- غسل اليدين إلى المرفقين.
- مسح الرأس ومنه الأذنين.
- غسل الرجلين إلى الكعبين.
- الترتيب بين الأعضاء، بأن يغسل الوجه، ثم اليدين، ثم مسح الرأس، ثم غسل الرجلين.
قال تعالى:
﴿يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا قُمۡتُمۡ إِلَى ٱلصَّلَوٰةِ فَٱغۡسِلُواْ وُجُوهَكُمۡ وَأَيۡدِيَكُمۡ إِلَى ٱلۡمَرَافِقِ وَٱمۡسَحُواْ بِرُءُوسِكُمۡ وَأَرۡجُلَكُمۡ إِلَى ٱلۡكَعۡبَيۡنِۚ﴾
[المائدة: ٦].
- الموالاة: وهي الوضوء في وقت متواصل، دون فاصل من الوقت حتى تجف الأعضاء من الماء.
كأن يتوضأ نصف وضوء، ويكمل في وقت آخر، فلا يصح وضُوؤُه.
لحديث:
«أن النبي صلى الله عليه وسلم رأى رجلًا يصلي وفي ظهر قدمه لمعة قدر الدرهم، لم يصبها الماء، فأمره النبي صلى الله عليه وسلم أن يعيد الوضوء والصلاة»
رواه أبو داود.
J- Waa ta aanay ansaxeyn weysada Muslimku hadduu ka tago mid ka mid ah.
- Meyridda wejiga waxaana soo galaya luqluqashada iyo san daarsiga.
- Meyridda labada gacmood ilaa xusullada.
- Masaxidda madaxa, waxaana soo galaya labada dhegood.
- Meyridda labada lugood ilaa anqawyada/kuraamaha.
- Isku xijinta siday u kala horreeyaan waaxyaha jidhku, inuu meyro wejiga, haddana labada gacmood, haddana masaxo madaxa, kaddibna meyro labada lugood.
Alle wuxuu yidhi:
"Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Markaad u kacdaan salaad meyra wajiyaddiinna iyo gacmihiinna ilaa xusullada, oo masaxa madaxyadiinna (meyrana) lugahiinna ilaa canqawyada".
[Suuradda Al-Maa'idah: 6].
- In weysaysiga la xiriiriyo oo aan la kala goyn: Waana inuu u weyseysto qofka si xiriir ah oo aan kala go' laheyn si aanay biyuhu uga engagin xubnaha weysada qaarkood.
Sida inuu weyseysto weyso bar xubnaha, oo dhammeystiro waqti kale xubnaha kale, ma ansaxeyso markaa weysadiisaasi.
Tixraac xadiiska: In Nabigu s c.w arkay nin tukan oo cagtiisa dusheed qaddar dhan dirham ay biyuhu gaarin, markaasuu wuxuu amray inuu dib u soo weyseysto oo tukado". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud.
"Inuu Nabigu sallallaahu calayhi wasallam arkay nin tukanaya, dhabarka cagtiisana ay tahay meel cad oo qaddar Dirham le'eg aanay gaarin biyuhu, markaasuu Nabigu amray inuu ku soo celiyo weysada iyo salaadda".
Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud.