Skip to content

Waa maxay sunanka (aan waajibka ahayn) ee weysada iyo tiradoodu?

الباب / الفصل
قسم الفقه

السؤال

س6: ما هي سنن الوضوء، وعددها؟

S6: Waa maxay sunanka (aan waajibka ahayn) ee weysada iyo tiradoodu?

الجواب

ج:سنن الوضوء: وهي التي لو فعلها المتوضئ؛ له مزيد من الأجر والثواب، ولو تركها؛ فلا إثم عليه، ووضوؤه صحيح.

  1. التسمية: بسم الله.

لحديث:

«لا وضوء لمن لم يذكر اسم الله عليه»

رواه أبو داود.

  1. السواك.

«لولا أن أشق على أمتي لأمرتهم بالسواك مع كل وضوء»

رواه أحمد.

  1. غسل الكفين.
  2. تخليل الأصابع.

«أسبغ الوضوء، وخلل بين الأصابع، وبالغ في الاستنشاق، إلا أن تكون صائمًا»

رواه أهل السنن.

  1. الغسلة الثانية والثالثة للأعضاء.
  2. البدء باليمين.

لحديث: أم المؤمنين عائشة رضي الله عنها قالت:

«كان النبي صلى الله عليه وسلم يعجبه التيمن في تنعله، وترجله، وطهوره وفي شأنه كله»

متفق عليه.

  1. الذكر بعد الوضوء:

«أشهد أن لا إله إلا الله، وحده لا شريك له، وأشهد أن محمدًا عبده ورسوله».

رواه مسلم.

  1. الصلاة ركعتين بعده.

«من توضأ نحو وضوئي هذا ثم صلى ركعتين لا يحِّدث فيهما نفسه، غفر له ما تقدم من ذنبه»

رواه البخاري ومسلم.

J: Sunanka weysadu: Waa sunnaha hadduu qofku weyseysto weyso dhan leeyahay ajar iyo abaalgud ziyaado ah, hadduu ka tagana uusan denbi lahayn, weysadiisuna sax tahay. Sunnooyinka weysada waa:

  1. Ku billaabidda weysada bisinka Alle: Bismillaah.

Tixraac xadiiska: In Nabigu s c.w arkay nin tukan oo cagtiisa dusheed qaddar dhan dirham ay biyuhu gaarin, markaasuu wuxuu amray inuu dib u soo weyseysto oo tukado". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud.

"Ma dhamma weysadiisu qofkii aan ku xusin oo ku billaabin Magaca Alle".

Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud.

  1. Cadayashada.

"Haddaanan ka cabsan inay ku cuslaato ummaddeyda waxaan amri lahaa inay cadaydaan markastoo ay weyseystaan".

Waxaa soo weriyey Axmad.

  1. Meyridda labada sacab (gacmaha).
  2. Meyridda faraha dhexdooda.

"Dhammeystir weysada, oo meyr faraha dhexdooda, gaarsiina meel fog sandaarsiga, inaad sooman tahay mooyee.

Waxaa soo weriyey ahlu sunanka (Abuu Daawuud, At-Tirmidhi, An-Nisaa'i iyo Ibnu Maajah).

  1. Meyridda labaad iyo seddexaad ee xubnaha weysada.
  2. Ku billaabidda midigta.

Tixraac xadiiska: Hooyadii mu'miniinta Caa'ishah a.k.r. waxay tidhi:

"Nabigu Sallallaahu calayhi wasallam wuxuu jeclaa oo cajabin jirey inuu hormariyo dhanka midig markuu gashanayo kabaha, markuu shanleysanayo, markuu weysay- sanayo iyo arrimihiisa oo dhan".

Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.

  1. Alla xuska weysada kaddib:

"Ash-hadu al laa ilaaha illal Laah, waxdahu laa shariika lahu, wa ash-hadu anna Muxammadan cabduhu wa Rasuuluhu" Oo macnaheedu yahay: “Waxaan qirayaa inuusan jirin ilaah xaq lagu caabudo Alle mooyee, ma jirto cid wax la wadaagta, waxaana qirayaa oo kale in Nabi Muxammad sallallaahu calayhi wasallam yahay addoonkiisa iyo Rasuulkiisa".

Waxaa soo weriyey Muslim.

  1. Tukashada labo rakcadood oo sunno ah weysada kaddib.

"Qofkii weyseysta weysadayda oo kale markaa tukada labo rakcadood oo sunno ah uusan wax kula hadlin naftiisa, waa loo dhaafaa wixii horay uga dhacay oo denbi ah".