Skip to content
Liiska Suuradaha /

القَلَم

القَلَم is chapter 68 of the Quran and has 52 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.

52 Aayadaha Lambarka Suuradda 68
Tag aayad
Soomaaliga · Yacob
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

نٓۚ وَٱلۡقَلَمِ وَمَا يَسۡطُرُونَ

Nuun . Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Qalinka iyo waxay (malaa’igtu) qoraan.

Explanation & meanings · 1
  1. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1.

مَآ أَنتَ بِنِعۡمَةِ رَبِّكَ بِمَجۡنُونٖ

Waa igu Nicmadda Rabbigaaye, ma ahid (Muxammadow) jinnoole.

وَإِنَّ لَكَ لَأَجۡرًا غَيۡرَ مَمۡنُونٖ

Waxaad leedahay (Nabiyow) ajar aan weligii go'eyn.

وَإِنَّكَ لَعَلَىٰ خُلُقٍ عَظِيمٖ

Waxaa xaqiiq kuu sugnaaday (Nabiyow) dabeecad san oo sare.

فَسَتُبۡصِرُ وَيُبۡصِرُونَ

Marka waad arki, iyaguna (sidoo kale) way arki,