Skip to content
Liiska Suuradaha /

المُلك

المُلك is chapter 67 of the Quran and has 30 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.

30 Aayadaha Lambarka Suuradda 67
Tag aayad
Soomaaliga · Yacob
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

تَبَٰرَكَ ٱلَّذِي بِيَدِهِ ٱلۡمُلۡكُ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٌ

Waxaa khayr iyo barako badan (Alle) ay Gacantiisu ku jirto Mulkiga (iyo Maamulka uunka oo dhan), Isagaana wax walba Kara.

ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلۡمَوۡتَ وَٱلۡحَيَوٰةَ لِيَبۡلُوَكُمۡ أَيُّكُمۡ أَحۡسَنُ عَمَلٗاۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡغَفُورُ

Ee ah Kan abuuray geeri iyo nololba, si uu idiin imtixaano kiinna idiinku camal wanaagsan. Waana Adkaadaha sare, Denbi Dhaafka Badan.

ٱلَّذِي خَلَقَ سَبۡعَ سَمَٰوَٰتٖ طِبَاقٗاۖ مَّا تَرَىٰ فِي خَلۡقِ ٱلرَّحۡمَٰنِ مِن تَفَٰوُتٖۖ فَٱرۡجِعِ ٱلۡبَصَرَ هَلۡ تَرَىٰ مِن فُطُورٖ

Kan abuuray toddobo samooyin dabaqyo ah kala korreeya, ku arki meysid wax isdhaafsanaan ah abuurka Raxmaanka. Ee ku celi araggee: Miyaad ku aragtaa wax dillaac ah iyo duleello.

ثُمَّ ٱرۡجِعِ ٱلۡبَصَرَ كَرَّتَيۡنِ يَنقَلِبۡ إِلَيۡكَ ٱلۡبَصَرُ خَاسِئٗا وَهُوَ حَسِيرٞ

Misna ku celi aragga mar labaad, araggaagu adiga buu kugu soo noqon isagoo dulleysan oo daallan.

وَلَقَدۡ زَيَّنَّا ٱلسَّمَآءَ ٱلدُّنۡيَا بِمَصَٰبِيحَ وَجَعَلۡنَٰهَا رُجُومٗا لِّلشَّيَٰطِينِۖ وَأَعۡتَدۡنَا لَهُمۡ عَذَابَ ٱلسَّعِيرِ

Waxaan dhab ahaan ku qurxinnay samada dhow nalal (xiddigo), Waxaana ka yeellay (xiddigahaa) gantaallo lagu gano shayaadiinta , waxaanuna u diyaarinnay cadaab Naar hureysa ah.

Explanation & meanings · 1
  1. Xiddigahaa waa qurux iyo ilaalo.