Skip to content

Waa maxay shuruudda salaaddu?

التصنيف الشرعي
الفقهالصلاةشروط الصلاة
الباب / الفصل
قسم الفقه

السؤال

س21: ما هي شروط الصلاة؟

S21: Waa maxay shuruudda salaaddu?

الجواب

ج:1. الإسلام؛ فلا تصح من كافر؛ لحبوط العمل بالشرك.

قال تعالى:

﴿لَئِنۡ أَشۡرَكۡتَ لَيَحۡبَطَنَّ عَمَلُكَ﴾

[الزمر: ٦٥].

  1. العقل؛ فلا تصح من مجنون.
  2. التمييز؛ فلا تصح من صغير غير مميز.

لقول النبي صلى الله عليه وسلم:

«رفع القلم عن ثلاث: عن النائم حتى يستيقظ، وعن الصغير حتى يكبر، وعن المجنون حتى يعقل أو يفيق»

رواه أهل السنن.

  1. النية.

في الحديث:

«إنما الأعمال بالنيات، وإنما لكل امرئ ما نوى»

رواه البخاري.

  1. دخول الوقت.

﴿إِنَّ ٱلصَّلَوٰةَ كَانَتۡ عَلَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ كِتَٰبٗا مَّوۡقُوتٗا﴾

[النساء: ١٠٣].

  1. الطهارة في رفع الحدث.

لحديث:

«لا يقبل الله صلاة أحدكم إذا أحدث حتى يتوضأ»

متفق عليه.

  1. التطهر من النجاسة.

لقوله تعالى:

﴿وَثِيَابَكَ فَطَهِّرۡ﴾

[المدثر: ٤].

  1. ستر العورة.

﴿يَٰبَنِيٓ ءَادَمَ خُذُواْ زِينَتَكُمۡ عِندَ كُلِّ مَسۡجِدٖ﴾

[الأعراف: ٣١].

  1. استقبال القبلة.

﴿فَوَلِّ وَجۡهَكَ شَطۡرَ ٱلۡمَسۡجِدِ ٱلۡحَرَامِۚ وَحَيۡثُ مَا كُنتُمۡ فَوَلُّواْ وُجُوهَكُمۡ شَطۡرَهُ﴾

[البقرة: ١٤٤].

J: 1. Islaam, ma ka ansaxeyso salaadi gaal, waayo camalka san wuxuu ku buraa shirkiga iyo gaalnimada.

Alle wuxuu yidhi:

"Haddaad Alle cid kale la wadaajiso cibaadada waxaa hubaal ah inuu buri camalkaagu".

[Suuradda Az-Zumar: 65].

  1. Caqli: Kama ansaxeyso salaad qof waalan.
  2. Garaad uu wax ku kala sooco: Kama ansaxeyso salaad ilmo yar oo aan laheyn garasho uu wax ku kala sooco.

Tixraac qowlka Nabiga sallallaahu calayhi wasallam:

"Waa laga kor qaaday qalinka seddex oo denbi looma qoro: Qofka hurda jeer uu soo tooso, ilmaha yar jeer ay qaan gaaraan, iyo qofka waalan jeer uu caqliyeysto ama miyirsado."

Waxaa soo weriyey ahlu sunanka (Abuu Daawuud, At-Tirmidhi, An-Nisaa'i iyo Ibnu Maajah).

  1. Niyada.

Tixraac xadiiska:

"Camallada waxaa aasaas u ah oo loo eegaa niyooyinka, qof walbana waa hadba sida ay niyadiisu tahay iyo waxa uu ugala jeedo camalkiisa."

Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari.

  1. Soo gelitaanka waqtiga.

"Salaaddu waxay ku tahay mu’miniinta waajib leh waqtiyo go’an".

[Suuradda An-Nisaa: 80].

  1. Iska daahirinta, kaadida, saxarada, neef ur ah ee xagga dambe,

Tixraac xadiiska: In Nabigu s c.w arkay nin tukan oo cagtiisa dusheed qaddar dhan dirham ay biyuhu gaarin, markaasuu wuxuu amray inuu dib u soo weyseysto oo tukado". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud.

"Alle ma aqbalo salaadda midkiin hadduu kaadsho ama saxaroodo ama neef ur ah ka soo baxdo gadaal jeer uu weyseysto".

Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.

  1. Iska daahirinta najaasada.

Tixraac qowlka Alle kor ahaaye:

"Maryahaagana daahiri".

[Suuradda Al-Muddathir: 4].

  1. Asturidda cawrada.

"Ilma Aadamoow! Qaata quruxdiinna (inaad xidhitaan dhar nadiif ah) markaad ku tukaneysaan masjid kasta (meel salaad)",

[Suuradda Al-Acraaf: 31].

  1. U jeesiga qibladda.

"Ee u jeedi wajigaaga dhanka Masjidka xurmadda gaarka ah leh (ee Makkah), meel kasta oo aad joogtaan, u jeediya wejiyadiinna xaggiisa".

[Suuradda Al-Baqarah: 50].