Skip to content
البَقَرَة /

Aayad 233

2 : 233

Aayad 233 of البَقَرَة (2 : 233). This page carries the verse in the Uthmani script with a translation of its meaning, at a stable URL that can be cited on its own.

البَقَرَة Aayadaha 286
Suurad · البَقَرَة
Soomaaliga · Yacob
2 : 233

۞ وَٱلۡوَٰلِدَٰتُ يُرۡضِعۡنَ أَوۡلَٰدَهُنَّ حَوۡلَيۡنِ كَامِلَيۡنِۖ لِمَنۡ أَرَادَ أَن يُتِمَّ ٱلرَّضَاعَةَۚ وَعَلَى ٱلۡمَوۡلُودِ لَهُۥ رِزۡقُهُنَّ وَكِسۡوَتُهُنَّ بِٱلۡمَعۡرُوفِۚ لَا تُكَلَّفُ نَفۡسٌ إِلَّا وُسۡعَهَاۚ لَا تُضَآرَّ وَٰلِدَةُۢ بِوَلَدِهَا وَلَا مَوۡلُودٞ لَّهُۥ بِوَلَدِهِۦۚ وَعَلَى ٱلۡوَارِثِ مِثۡلُ ذَٰلِكَۗ فَإِنۡ أَرَادَا فِصَالًا عَن تَرَاضٖ مِّنۡهُمَا وَتَشَاوُرٖ فَلَا جُنَاحَ عَلَيۡهِمَاۗ وَإِنۡ أَرَدتُّمۡ أَن تَسۡتَرۡضِعُوٓاْ أَوۡلَٰدَكُمۡ فَلَا جُنَاحَ عَلَيۡكُمۡ إِذَا سَلَّمۡتُم مَّآ ءَاتَيۡتُم بِٱلۡمَعۡرُوفِۗ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ بِمَا تَعۡمَلُونَ بَصِيرٞ

Hooyooyinku waxay nuujin ilmahooda labo sano oo kaamil ah, ciddii doonta inay taam yeesho muddada nuujinta, masruufkooda iyo marashadooda waa inuu xilkeeda qaado aabbaha si la yaqaan. Ma saarna nafna waxay awooddo maahee. Hooyona waa inaan laga yeelin inay dhibtooto ilmaheeda darti iyo aabbe ilmaha uu dhalay darti. Oo xil la mid ah (wuxuu saaran yahay) warasada (aabbaha). Haddayse labaduba doonaan inay ka gooyaan naaska raalli iyagoo ku ah wada tashi kaddib, ma jiro wax eed ahi oo saaran. Haddaad u doontaan hooyo nuujiso ah oo kale ilmahiinna, ma jiro wax eed ahi oo idin saaran, haddaad siisaan (hooyada) waxaad ku heshiisaan (inaad siisaan) si la yaqaan. Oo dhowra (xilkuu idin saaray) Alle, ogaadana in Alle uu Arko waxaad fashaan.