Skip to content
البَقَرَة /

Aayad 185

2 : 185

Aayad 185 of البَقَرَة (2 : 185). This page carries the verse in the Uthmani script with a translation of its meaning, at a stable URL that can be cited on its own.

البَقَرَة Aayadaha 286
Suurad · البَقَرَة
Soomaaliga · Yacob
2 : 185

شَهۡرُ رَمَضَانَ ٱلَّذِيٓ أُنزِلَ فِيهِ ٱلۡقُرۡءَانُ هُدٗى لِّلنَّاسِ وَبَيِّنَٰتٖ مِّنَ ٱلۡهُدَىٰ وَٱلۡفُرۡقَانِۚ فَمَن شَهِدَ مِنكُمُ ٱلشَّهۡرَ فَلۡيَصُمۡهُۖ وَمَن كَانَ مَرِيضًا أَوۡ عَلَىٰ سَفَرٖ فَعِدَّةٞ مِّنۡ أَيَّامٍ أُخَرَۗ يُرِيدُ ٱللَّهُ بِكُمُ ٱلۡيُسۡرَ وَلَا يُرِيدُ بِكُمُ ٱلۡعُسۡرَ وَلِتُكۡمِلُواْ ٱلۡعِدَّةَ وَلِتُكَبِّرُواْ ٱللَّهَ عَلَىٰ مَا هَدَىٰكُمۡ وَلَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ

Bisha Ramadaan ee la soo dejiyey Qur’aanka, hanuun u ah dadka iyo caddeymo hanuun iyo kala saarid (Xaqa iyo baadilka). Ee qofkii jooga (degaankiisa isagoo fayow) ha soomo, qofkiise buka ama safar ah waxaa saaran isla tirada (maalmahaa uusan soomin oo uu gudo) maalmo kale. Alle wuxuu idin la rabaa fudayd, oo idinlama rabo culays, (wuxuu rabaa) inaad dhammeystirtaan tirada (maalmaha) iyo inaad (xurmo) weyneysaan Alle inuu idin hanuuniyey darteed, iyo inaad ku mahdisaan.