11 : 78
وَجَآءَهُۥ قَوۡمُهُۥ يُهۡرَعُونَ إِلَيۡهِ وَمِن قَبۡلُ كَانُواْ يَعۡمَلُونَ ٱلسَّيِّـَٔاتِۚ قَالَ يَٰقَوۡمِ هَٰٓؤُلَآءِ بَنَاتِي هُنَّ أَطۡهَرُ لَكُمۡۖ فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَلَا تُخۡزُونِ فِي ضَيۡفِيٓۖ أَلَيۡسَ مِنكُمۡ رَجُلٞ رَّشِيدٞ
Tolkiisii baa u yimid (sida in) la soo dedejiyey xaggiisa, iyagoo horeyba u sameyn jirey falal xun . wuxuu yidhi: Tolkayow! Kuwani waa gabdhahaygii , iyagaa idiinka daahirsan ee Alle ka cabsada oo ha igu ceebeynina martiday. Miyaanu idinku jirin nin toosan?
Explanation & meanings · 2
- Waa tilmaan dhaqankooda xumaa ee ahaa fuulidda ragga (khaniisnimada).
- Wuxuu ula jeedaa dumarka qoonkiisa ee guur doonka ah.