11 : 28
قَالَ يَٰقَوۡمِ أَرَءَيۡتُمۡ إِن كُنتُ عَلَىٰ بَيِّنَةٖ مِّن رَّبِّي وَءَاتَىٰنِي رَحۡمَةٗ مِّنۡ عِندِهِۦ فَعُمِّيَتۡ عَلَيۡكُمۡ أَنُلۡزِمُكُمُوهَا وَأَنتُمۡ لَهَا كَٰرِهُونَ
Wuxuu yidhi: Tolkayow! Bal ka warrama, haddaan ka haysto Xujo Cad (yaqiin, hanuun, iyo cilmi) xagga Rabbigay, i siiyeyna Naxariis (Nabinnimo) Xaggiisa ah oo la idinka indho tiray. Miyaan idinku khasbeynaa (inaad aqbashaan hanuunka) idinkoo naceyb u haya?.