Skip to content
هُود /

Aayad 6

11 : 6

Aayad 6 of هُود (11 : 6). This page carries the verse in the Uthmani script with a translation of its meaning, at a stable URL that can be cited on its own.

هُود Aayadaha 123
Suurad · هُود
Soomaaliga · Yacob
11 : 6

۞ وَمَا مِن دَآبَّةٖ فِي ٱلۡأَرۡضِ إِلَّا عَلَى ٱللَّهِ رِزۡقُهَا وَيَعۡلَمُ مُسۡتَقَرَّهَا وَمُسۡتَوۡدَعَهَاۚ كُلّٞ فِي كِتَٰبٖ مُّبِينٖ

Ma jiro noole ku sugan dhulka oo aysan Alle irsaaqaddiisu saarnayn. Wuxuu Og yahay rugtiisa hoyaadka u ah iyo halka uu ku kaydsan yahay. Dhammaan waxay ku yaalliin Kitaab Cad (Looxa Maxfuudka).

Explanation & meanings · 1
  1. Mufasiriinta qaarkood waxay ku fasireen mustaqirrahaa adduunka, mustowdicna aakhirada, qaarkoodna waxay yidhaahdeen: mustaqirrahaa waxaa loola jeedaa dhabarka ninka, mustowdicna riximka haweenta (ilma galeenka), waxaa kaloo lagu fasiray inta uusan dhalan ka hor, iyo kaddib dhimashadiisa.