Skip to content

السؤال

س٢: لماذا نلتزم الأخلاق الإسلامية؟

S2: Maxaan ugu dhaqannaa oo u joogteynaa akhlaaqda Islaamka?

الجواب

ج:١. لأنها سبب لمحبة الله تَعَالَى.

في الحديث:

«أَحَبُّ عبادِ اللهِ إلى اللهِ تعالى قال أَحسنُهم خُلُقًا»

رواه الحاكم والطبراني.

  1. وسبب لمحبة الخلق.
  2. وهي أثقل شيء في الميزان.
  • في الحديث:

«أَثْقَلُ شَيْءٍ فِي الْمِيزَانِ يَوْمَ الْقِيَامَةِ خُلُقٌ حَسَنٌ»

رواه أبو داود والترمذي.

  1. وتضاعف الأجر والثواب بحسن الخلق.

«إِنَّ الْمُؤْمِنَ يُدْرِكُ بِحُسْنِ خُلُقِهِ دَرَجَاتِ قَائِمِ اللَّيْلِ صَائِمِ النَّهَارِ»

رواه أحمد.

  1. وعلامة على كمال الإيمان.

«أَكْمَلُ الْمُؤْمِنِينَ إِيمَانًا أَحْسَنُهُمْ خُلُقًا»

J: 1. Waayo waa sabab lagu muto maxabbada Alle kor ahaaye.

Tixraac xadiiska:

"Alle wuxuu ugu jecel yahay addoomahiisa kuwooda ugu debci wanaagsan".

Waxaa soo weriyey Al-Xaakim iyo Ad-Dabaraani.

  1. Waana sabab lagu muto maxabbada dadka.
  2. Waa waxa ugu culeys badan miisaanka acmaasha Aakhirada.

"Waxa ugu culeys badan camallada miisaanka la saari Maalinta Qiyaamaha waa debci (dhaqan) wanaagga".

Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud iyo At-Tirmidi.

  1. Waxaa lagu labo laabaa ajarka iyo abaalgudka debci wanaagga.

"Qofka mu’minka ah wuxuu ku gaaraa debci wanaagga darajooyinka qof u taagan habeenkii salaad, maalintiina soon".

Waxaa soo weriyey Axmad.

  1. Waa calaamad muujineysa dhammeystirnaanta Iimaanka.

"Mu'miniinta waxaa ugu Iimaan dhammeystiran: Kooda ugu dabeecadda fiican".