Skip to content
Liiska Suuradaha /

البَلَد

البَلَد is chapter 90 of the Quran and has 20 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.

20 Aayadaha Lambarka Suuradda 90
Tag aayad
Soomaaliga · Yacob
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

لَآ أُقۡسِمُ بِهَٰذَا ٱلۡبَلَدِ

Waxaan ku dhaartay magaaladan (Makkah ee xurmadda leh).

وَأَنتَ حِلُّۢ بِهَٰذَا ٱلۡبَلَدِ

Waa kuu xalaal (Nabiyow inaad saacad ku dagaallanto) magaaladan (aad horey u degganeyd).

Explanation & meanings · 1
  1. Nabigu s.c w. Wuxuu yidhi: Aniga waxaa la I banneeyey inaan kula dagaalo (gaalada mushrikiinta ah) saacad keliya Makkah, haddana xurmadeedda waa sidii hore." Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi maalintii furashada Makkah: Beledkan Alle waa caagay, waa inaan la goyn qodaxdiisa, oo la didin ugaadhiisa, oo la qaadan wixii ku luma oo dad ka dhaca qof naadinaya oo carrifaya maahee.

وَوَالِدٖ وَمَا وَلَدَ

Waa igu waalidka (Ibraahiim) iyo wiilkiisa 'Ismaaciil' .

Explanation & meanings · 1
  1. Waxaa kaloo lagu fasiray: Waa igu Aadam iyo durriyadiisa.

لَقَدۡ خَلَقۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ فِي كَبَدٍ

Waxaan abuurnay aadmiga isagoo dhib iyo howl (kala kulmi nolosha adduunka).

أَيَحۡسَبُ أَن لَّن يَقۡدِرَ عَلَيۡهِ أَحَدٞ

Ma wuxuu moodaa inaysan cidna awood ku dul lahayn?