Skip to content
Liiska Suuradaha /

المُزمل

المُزمل is chapter 73 of the Quran and has 20 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.

20 Aayadaha Lambarka Suuradda 73
Tag aayad
Soomaaliga · Yacob
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

يَٰٓأَيُّهَا ٱلۡمُزَّمِّلُ

Kani isku duuduubayow maryaha .

Explanation & meanings · 1
  1. Nabiga s.c.w. waxaa la amray halkii hurda macaansiga inuu xilkaa weyn qaado oo u kaco cibaado iyo Alle bari iyo inuu dadka amro (towxiidka) iyo camalka san oo kaga digo shirkiga iyo xuma falka.

قُمِ ٱلَّيۡلَ إِلَّا قَلِيلٗا

U kac (salaad) habeenka in yar maahee.

نِّصۡفَهُۥٓ أَوِ ٱنقُصۡ مِنۡهُ قَلِيلًا

Barkiis ama ka nusqaami in yar.

أَوۡ زِدۡ عَلَيۡهِ وَرَتِّلِ ٱلۡقُرۡءَانَ تَرۡتِيلًا

Amaba ka badi, oo u akhri Qur’aanka si wanaagsan oo habboon.

إِنَّا سَنُلۡقِي عَلَيۡكَ قَوۡلٗا ثَقِيلًا

Waxaanu kugu soo dejin Hadal culus .

Explanation & meanings · 1
  1. Waxaa loola jeedaa Waxyiga iyo xeerarka sharciga, oo ku soo degayey Nabiga s.c.w. ee ah xil culus.