Skip to content
Liiska Suuradaha /

الجِن

الجِن is chapter 72 of the Quran and has 28 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.

28 Aayadaha Lambarka Suuradda 72
Tag aayad
Soomaaliga · Yacob
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

قُلۡ أُوحِيَ إِلَيَّ أَنَّهُ ٱسۡتَمَعَ نَفَرٞ مِّنَ ٱلۡجِنِّ فَقَالُوٓاْ إِنَّا سَمِعۡنَا قُرۡءَانًا عَجَبٗا

(Nabi Muxammadow) dheh: Waxaa la ii waxyooday inay koox Jin ahi dhegaysteen (Qur’aanka). Markaasay yidhaahdeen: Waxaanu maqallay Qur'aan cajab leh.

يَهۡدِيٓ إِلَى ٱلرُّشۡدِ فَـَٔامَنَّا بِهِۦۖ وَلَن نُّشۡرِكَ بِرَبِّنَآ أَحَدٗا

Oo wax ku hanuunin dhabbaha toosan ee abbaarta ah, markaasaan rumeynay, umana shariig yeeleyno cidna Rabbigayo.

وَأَنَّهُۥ تَعَٰلَىٰ جَدُّ رَبِّنَا مَا ٱتَّخَذَ صَٰحِبَةٗ وَلَا وَلَدٗا

Waxaa sarreeya Sharafta iyo Haybadda (Alle) Rabbigeen, ma uusan yeelan xaas iyo ilmo midna .

Explanation & meanings · 1
  1. Waxay qaarkood rumeysnaayeen jinku inuu Allaah leeyahay xaas iyo ilmo, laakiin kaddib markay soo Islameen waa ka hareen odhaahdaasi xun iyo caqiidadaas gurracan oo ka hufeen Alle inuu leeyahay wiil ama gabdho ama shariigyo.

وَأَنَّهُۥ كَانَ يَقُولُ سَفِيهُنَا عَلَى ٱللَّهِ شَطَطٗا

Wuxuu ahaa kan maan gaabka ahi ee dhexdeenna ah mid ka sheega hadallo xadgudub ah aan habbooneyn Alle.

Explanation & meanings · 1
  1. Ibliis. Waxaa sidoo kale lagu fasiri karaa wadar ahaan, markaas waa in la yidhaahdo: “iyo in kuweenna maangaabka ahi ee naga mid ah”.

وَأَنَّا ظَنَنَّآ أَن لَّن تَقُولَ ٱلۡإِنسُ وَٱلۡجِنُّ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبٗا

Waxaan u malaynaynay inaysan dadka iyo jinkaba ka been sheegin Alle.