Skip to content
Liiska Suuradaha /

التَّحرِيم

التَّحرِيم is chapter 66 of the Quran and has 12 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.

12 Aayadaha Lambarka Suuradda 66
Tag aayad
Soomaaliga · Yacob
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ لِمَ تُحَرِّمُ مَآ أَحَلَّ ٱللَّهُ لَكَۖ تَبۡتَغِي مَرۡضَاتَ أَزۡوَٰجِكَۚ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٞ

Nabiyow! Maxaad uga xarrimeysaa (Naftaada) wuxuu Alle kuu xalaaaleeyey si aad u raalli geliso xaasaskaaga? Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis badan.

قَدۡ فَرَضَ ٱللَّهُ لَكُمۡ تَحِلَّةَ أَيۡمَٰنِكُمۡۚ وَٱللَّهُ مَوۡلَىٰكُمۡۖ وَهُوَ ٱلۡعَلِيمُ ٱلۡحَكِيمُ

Wuxuu Alle horeyba idiinku jideeyey dhaar furyo . Alle waa gargaarahiin. Waa wax walba Ogsoonaha, Xakiimka ah.

Explanation & meanings · 1
  1. Inaad sameysaan kafaara gud:. Xagga kafaara gudka la bixinayo: eeg Suuradda 5: Aayadda 89

وَإِذۡ أَسَرَّ ٱلنَّبِيُّ إِلَىٰ بَعۡضِ أَزۡوَٰجِهِۦ حَدِيثٗا فَلَمَّا نَبَّأَتۡ بِهِۦ وَأَظۡهَرَهُ ٱللَّهُ عَلَيۡهِ عَرَّفَ بَعۡضَهُۥ وَأَعۡرَضَ عَنۢ بَعۡضٖۖ فَلَمَّا نَبَّأَهَا بِهِۦ قَالَتۡ مَنۡ أَنۢبَأَكَ هَٰذَاۖ قَالَ نَبَّأَنِيَ ٱلۡعَلِيمُ ٱلۡخَبِيرُ

Markuu Nabigu ku qarsaday war sir ah mid ka mid ah xaasaskiisa , markayse u sheegaty mid kale warkaa, Allena u soo bandhigay (Nabiga), wuxuu xusay qaar ka mid ah waxay sheegtay oo iska daayey qaar. Markuu u sheegay arrinkaa, waxay tidhi: Yaa kuu sheegay arrinkani? Wuxuu yidhi: Waxaa ii sheegay (Allaah) Wax walba Ogsoonaha, Xog Ogaalka ah.

Explanation & meanings · 2
  1. Waa Xafsah a.k.r.
  2. Waa Caa'ishah a.k.r.

إِن تَتُوبَآ إِلَى ٱللَّهِ فَقَدۡ صَغَتۡ قُلُوبُكُمَاۖ وَإِن تَظَٰهَرَا عَلَيۡهِ فَإِنَّ ٱللَّهَ هُوَ مَوۡلَىٰهُ وَجِبۡرِيلُ وَصَٰلِحُ ٱلۡمُؤۡمِنِينَۖ وَٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ بَعۡدَ ذَٰلِكَ ظَهِيرٌ

Haddaad labadiinnu Alle u noqotaan (oo tawbad keentaan) inkastoo quluubtiinnu iilatay (Alle wuu idiin denbi dhaafi); haddaadse isu kaalmeysataan (Nabiga) dhibkiisa, hubaal, Alle baa ah Gargaarahiis iyo Jabriil iyo mu’miniinta wanaagsan - malaa’igta (kale) baana intaas kaddib garab u ah.

عَسَىٰ رَبُّهُۥٓ إِن طَلَّقَكُنَّ أَن يُبۡدِلَهُۥٓ أَزۡوَٰجًا خَيۡرٗا مِّنكُنَّ مُسۡلِمَٰتٖ مُّؤۡمِنَٰتٖ قَٰنِتَٰتٖ تَٰٓئِبَٰتٍ عَٰبِدَٰتٖ سَٰٓئِحَٰتٖ ثَيِّبَٰتٖ وَأَبۡكَارٗا

Waa intaasoo, Rabbigi, hadduu (Nabigu) idin furo, siiyo beddelkiin xaasas idinka khayr badan, muslimooyin ah, mu’minooyin, daacad, soo noqosho iyo tawbad keen badan, caabidooyin, soomanooyin , leh garoobbo iyo gabdhaba bikrooyin ah.

Explanation & meanings · 1
  1. Saa’ixaat waxaa lagu fasiray soomanooyin. Waxaa sidoo kale lagu fasiray kuwa u socda khayrka iyo fidinta diinta Alle (Islaamka) iyo wanaagga iyo samo ka talinta.