Skip to content
Liiska Suuradaha /

الحدِيد

الحدِيد is chapter 57 of the Quran and has 29 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.

29 Aayadaha Lambarka Suuradda 57
Tag aayad
Soomaaliga · Yacob
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

سَبَّحَ لِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ

Waxaa xurmo weyneeya oo (ceeb iyo nuqsaan ka) hufa Alle Waxa ku sugan samooyinka iyo arlada . Waana Adkaadaha, Xikmadda Badan.

Explanation & meanings · 1
  1. Iyagoo ammaana oo caddeeya inuu ka hufan yahay xumaan oo dhan oo uusan laheyn xaas, ilmo, iyo shariig.

لَهُۥ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ يُحۡيِۦ وَيُمِيتُۖ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٌ

Isagaa (Alle) leh Boqortooyada samooyinka iyo arlada, wax nooleeya oo dhinsiiya; Isagaana wax walba Kara.

هُوَ ٱلۡأَوَّلُ وَٱلۡأٓخِرُ وَٱلظَّٰهِرُ وَٱلۡبَاطِنُۖ وَهُوَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٌ

Waa Isaga (Alle) Kan horreeyey iyo Kan dambeyn, iyo Kan ka sarreeya wax walba ee kor jira (samada, Carshigiisa dushiisa) iyo Kan Dhowaanshaha Badan. Isagaana Wax walba Ogsoon.

هُوَ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ فِي سِتَّةِ أَيَّامٖ ثُمَّ ٱسۡتَوَىٰ عَلَى ٱلۡعَرۡشِۖ يَعۡلَمُ مَا يَلِجُ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَا يَخۡرُجُ مِنۡهَا وَمَا يَنزِلُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ وَمَا يَعۡرُجُ فِيهَاۖ وَهُوَ مَعَكُمۡ أَيۡنَ مَا كُنتُمۡۚ وَٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ بَصِيرٞ

Waa Isaga 'Alle' Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada lix maalmood, markaas dul ahaaday Carshigiisa. Wuxuu Og yahay waxa gala arlada iyo waxa ka soo baxa, iyo waxa ka soo dega cirka iyo waxa kor u fuula. Wuuna idinla jiraa meel aad joogtaanba . Alle Wuu Arkaa waxaad fashaan.

Explanation & meanings · 1
  1. Wuxuu idinkula jiraa Cilmigiisa – isagoo ka kor ah cirarka, ka baxsan oo soocan uunkiisa, sidaas oy tahay wuu idin arkaa oo maqlaa oo awood dhan idinku dul leeyahay.

لَّهُۥ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَإِلَى ٱللَّهِ تُرۡجَعُ ٱلۡأُمُورُ

Isagaa (Alle) leh Boqortooyada samooyinka iyo arlada. Xagga Alle baa loo celiyaa umuuraha oo dhan.