49 : 16
قُلۡ أَتُعَلِّمُونَ ٱللَّهَ بِدِينِكُمۡ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۚ وَٱللَّهُ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٞ
Dheh: Ma waxaad u sheegeysaan Alle (xaalka) diintiinna (iyo camalladiinna) Isagoo Alle og yahay waxaa ku sugan samooyinka iyo waxaa ku sugan arlada. Alle wax walba wuu Og yahay.