49 : 10
إِنَّمَا ٱلۡمُؤۡمِنُونَ إِخۡوَةٞ فَأَصۡلِحُواْ بَيۡنَ أَخَوَيۡكُمۡۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ لَعَلَّكُمۡ تُرۡحَمُونَ
Mu’miniintu waa uun walaalo . ee heshiisiiya walaalihiin. Alle ka cabsada, si uu idiinku naxariisto.
Explanation & meanings · 1
- Nabigu s.c w wuxuu yidhi: Muslimka waa walaalka Muslimka, waa inuusan ku gardarroon, hagran, u gacan gelin cadow, wax ka beensan, qofka muslimka ah waa ka xaaraan muslimka kale: maalkiisa, sharafkiisa, xoolahiisa, xilahiisa, iyo dhiiggiisuba, waxaana shar ugu filan qof inuu quursado walaalki Muslimka ah”.