Skip to content
Liiska Suuradaha /

الأحقَاف

الأحقَاف is chapter 46 of the Quran and has 35 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.

35 Aayadaha Lambarka Suuradda 46
Tag aayad
Soomaaliga · Yacob
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

حمٓ

Xaa Miim .

Explanation & meanings · 1
  1. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1.

تَنزِيلُ ٱلۡكِتَٰبِ مِنَ ٱللَّهِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡحَكِيمِ

Soo dejinta Kitaabka (Qur’aanka) waa xagga Alle, Adkaadaha, Xakiimka ah.

مَا خَلَقۡنَا ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَيۡنَهُمَآ إِلَّا بِٱلۡحَقِّ وَأَجَلٖ مُّسَمّٗىۚ وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ عَمَّآ أُنذِرُواْ مُعۡرِضُونَ

Uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya waxaan aheyn Xaq iyo Muddo magacaaban. Kuwase gaalooba dhinac bay uga jeestaan waxa looga digo (oo cadaab ah).

قُلۡ أَرَءَيۡتُم مَّا تَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ أَرُونِي مَاذَا خَلَقُواْ مِنَ ٱلۡأَرۡضِ أَمۡ لَهُمۡ شِرۡكٞ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِۖ ٱئۡتُونِي بِكِتَٰبٖ مِّن قَبۡلِ هَٰذَآ أَوۡ أَثَٰرَةٖ مِّنۡ عِلۡمٍ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ

Dheh: Bal ka warrama waxaad caabudey- saan Alle sokadi? I tusa maxay abuureen oo ka mid ah arlada, mise ma waxay ku leeyihiin qayb samooyinka? Ii keena Kitaab kan (Qur’aanka) horti ah ama wax raad cilmi (hore) ah (oo daliil u ah waxaad leedihiin) haddaad run sheegeysaan.

وَمَنۡ أَضَلُّ مِمَّن يَدۡعُواْ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَن لَّا يَسۡتَجِيبُ لَهُۥٓ إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ وَهُمۡ عَن دُعَآئِهِمۡ غَٰفِلُونَ

Yaa ka lunsanaan badan mid barya (caabuda) Alle sokadi kuwo aan wax jawaab ah u soo celineyn ilaa Maalinta Qiyaamaha oo ah kuwo moog baryadooda?