Skip to content
Liiska Suuradaha /

الفَلَق

الفَلَق is chapter 113 of the Quran and has 5 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.

5 Aayadaha Lambarka Suuradda 113
Tag aayad
Soomaaliga · Yacob
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

قُلۡ أَعُوذُ بِرَبِّ ٱلۡفَلَقِ

Dheh: Waxaan ka magan galayaa Rabbiga oogga (dillaacsha, waa Alle'e),

مِن شَرِّ مَا خَلَقَ

Sharka wuxuu abuuray;

وَمِن شَرِّ غَاسِقٍ إِذَا وَقَبَ

Iyo sharka habeenka mugdiga badan markuu mugdigiisa daboolo (samada iyo arlada dhexdooda).

وَمِن شَرِّ ٱلنَّفَّٰثَٰتِ فِي ٱلۡعُقَدِ

Iyo sharka kuwa wax ku tufa guntimaha (saaxirooyinka iyo sixiroolayaasha).

وَمِن شَرِّ حَاسِدٍ إِذَا حَسَدَ

Iyo sharka xaasidka markuu wax xasdo.