4 : 145
إِنَّ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ فِي ٱلدَّرۡكِ ٱلۡأَسۡفَلِ مِنَ ٱلنَّارِ وَلَن تَجِدَ لَهُمۡ نَصِيرًا
Munaafiqiintu waxay ahaan dabaqa u hooseeya ee Naarta; umana heli doontid gargaare (shafeece Aakhirada).
Explanation & meanings · 1
- Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: "Qofkii kastoo leh tilmaamahan afarta ah waa munaafaq dhan: Marka la aamino, khiyaanaa ku soo baxda, markuu warramo wuxuu sheegaa been, markuu ballan galo, wuu ka baxa ballanka, markay cid doodaanna wuu caytamaa.”