Skip to content
النِّسَاء /

Aayad 142

4 : 142

Aayad 142 of النِّسَاء (4 : 142). This page carries the verse in the Uthmani script with a translation of its meaning, at a stable URL that can be cited on its own.

النِّسَاء Aayadaha 176
Suurad · النِّسَاء
Soomaaliga · Yacob
4 : 142

إِنَّ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ يُخَٰدِعُونَ ٱللَّهَ وَهُوَ خَٰدِعُهُمۡ وَإِذَا قَامُوٓاْ إِلَى ٱلصَّلَوٰةِ قَامُواْ كُسَالَىٰ يُرَآءُونَ ٱلنَّاسَ وَلَا يَذۡكُرُونَ ٱللَّهَ إِلَّا قَلِيلٗا

Munaafiqiintu waxay (u heystaan inay) dagayaan Alle, Isaga baase daga. markayna u kacaan salaadda, waxay kacaan iyagoo wahsi ku jiro, waxay istusaan oo keliya dadka, mana xusaan Alle wax yar ma’ahee.

Explanation & meanings · 1
  1. Alle wuxuu u daayey sheegashadooda inay yihiin mu’miniin, sidaa darteed baa loola dhaqmay dhaqanka ehlu iimaanka adduunyada, wuxuuse Alle u diyaariyey Naar khiyaanada iyo mukurgooda awgi. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaad arki doontaa kuwa ugu xun dadka dhexdooda inay yihiin labo wejiilayaasha ee ula taga kuwaasi weji, kuwaasna weji kale.” W.w. Al-Bukhaari.