Skip to content
النور /

Aayad 36

24 : 36

Aayad 36 of النور (24 : 36). This page carries the verse in the Uthmani script with a translation of its meaning, at a stable URL that can be cited on its own.

النور Aayadaha 64
Suurad · النور
Soomaaliga · Yacob
24 : 36

فِي بُيُوتٍ أَذِنَ ٱللَّهُ أَن تُرۡفَعَ وَيُذۡكَرَ فِيهَا ٱسۡمُهُۥ يُسَبِّحُ لَهُۥ فِيهَا بِٱلۡغُدُوِّ وَٱلۡأٓصَالِ

(Nuurkaas waxaa laga helaa) Guryo gudahood uu Alle idmay in la kor yeelo , Magaciisana lagu xuso, halkaa waxaa ku xurmo weyneeya oo tasbiixsada gudahood subax iyo galabba,

Explanation & meanings · 1
  1. Waa Masaajida Alle. Abuu Qataadah bin Ribci Al-Ansaari a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Markuu midkiin soo galo masjid waa inuusan fadhiisan jeer uu tukado labo rakcadood. (W.w. Al-Bukhaari) Abuu Hurayra a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yiri: Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi: Ajarka salaadda ninka ragga ahi uu ku tukado jamaaco ahaan masjid waxay dheer tahay shan iyo labaatan jeer labo laab salaadda uu qofku ku tukado gurigiisa ama dukaankiisa. Maxaa yeelay markuu qofku si fiican u weeseysto oo u aado masjidka salaadda darteed, tallaabadii uu qaadaba waxaa kor loo qaadaa meeqaankiisa hal derejo, hal denbina waa looga tiraa, markuu tukadana, malaa'igtaa u duceysa intuu weesada qabo oo meeshiisa fadhiyo, iyagoo leh: Allow u denbi dhaaf, Allow u naxaariso, intuu salaadda sugayana wuxuu la mid yahay isagoo ku jira salaad. (W.w. Al-Bukhaari).