Skip to content
البَقَرَة /

Aayad 228

2 : 228

Aayad 228 of البَقَرَة (2 : 228). This page carries the verse in the Uthmani script with a translation of its meaning, at a stable URL that can be cited on its own.

البَقَرَة Aayadaha 286
Suurad · البَقَرَة
Soomaaliga · Yacob
2 : 228

وَٱلۡمُطَلَّقَٰتُ يَتَرَبَّصۡنَ بِأَنفُسِهِنَّ ثَلَٰثَةَ قُرُوٓءٖۚ وَلَا يَحِلُّ لَهُنَّ أَن يَكۡتُمۡنَ مَا خَلَقَ ٱللَّهُ فِيٓ أَرۡحَامِهِنَّ إِن كُنَّ يُؤۡمِنَّ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِۚ وَبُعُولَتُهُنَّ أَحَقُّ بِرَدِّهِنَّ فِي ذَٰلِكَ إِنۡ أَرَادُوٓاْ إِصۡلَٰحٗاۚ وَلَهُنَّ مِثۡلُ ٱلَّذِي عَلَيۡهِنَّ بِٱلۡمَعۡرُوفِۚ وَلِلرِّجَالِ عَلَيۡهِنَّ دَرَجَةٞۗ وَٱللَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ

Haweenka la furayna waa inay u sugaan (guursigooda) saddex xayl (ama ka daahiroobid dhiigga caadada), mana u bannaaana inay qariyaan wuxuu Alle ku abuuray riximyadooda, hadday rumeysan yihiin Alle iyo Maalinta Aakhiro. Nimankoodaana u xaq leh inay soo ceshadaan muddadaas dhexdeeda, hadday rabaan heshiis; waxayna (haweenku) leeyihiin xuquuq inta lagu leeyahay oo kale oo si wanaagsan ah, nimankuse waxay dheer yihiin darajo (mas'uuliyad ah). Alle waa Adkaade, Xakiim ah.