Skip to content
Liiska Suuradaha /

فُصِّلَت

فُصِّلَت is chapter 41 of the Quran and has 54 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.

54 Aayadaha Lambarka Suuradda 41
Tag aayad
Soomaaliga · Yacob
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

حمٓ

Xaa Miim .

Explanation & meanings · 1
  1. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1.

تَنزِيلٞ مِّنَ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

Soo dejinta (Waxyigan) waa xagga (Alle) Naxariistaha, Naxariista Badan.

كِتَٰبٞ فُصِّلَتۡ ءَايَٰتُهُۥ قُرۡءَانًا عَرَبِيّٗا لِّقَوۡمٖ يَعۡلَمُونَ

Waa Kitaab Aayadihiisu cad yihiin, Qur'aan af Carabi ah ciddii wax garan.

بَشِيرٗا وَنَذِيرٗا فَأَعۡرَضَ أَكۡثَرُهُمۡ فَهُمۡ لَا يَسۡمَعُونَ

Waa u bishaareeye (Qofkii rumeeya Towxiidka) iyo u dige (qofkii u shariig yeela Alle oo xuma fala), waase ka jeesadeen badankoodu, marka wax ma maqlaan.

وَقَالُواْ قُلُوبُنَا فِيٓ أَكِنَّةٖ مِّمَّا تَدۡعُونَآ إِلَيۡهِ وَفِيٓ ءَاذَانِنَا وَقۡرٞ وَمِنۢ بَيۡنِنَا وَبَيۡنِكَ حِجَابٞ فَٱعۡمَلۡ إِنَّنَا عَٰمِلُونَ

Waxay yidhaahdeen: Quluubtayadu waa ka daboolan yihiin waxaad noogu yeedhi (Islaamka), waxaana ah culeys dhegahayaga, daah baana xidhan dhexdeenna innaga iyo adiga, ee camal falo; innaguna sidoo kale waanu camal falan .

Explanation & meanings · 1
  1. U camal fasha diintiinna, innaguna waynu u camal fali.