41 : 25
۞ وَقَيَّضۡنَا لَهُمۡ قُرَنَآءَ فَزَيَّنُواْ لَهُم مَّا بَيۡنَ أَيۡدِيهِمۡ وَمَا خَلۡفَهُمۡ وَحَقَّ عَلَيۡهِمُ ٱلۡقَوۡلُ فِيٓ أُمَمٖ قَدۡ خَلَتۡ مِن قَبۡلِهِم مِّنَ ٱلۡجِنِّ وَٱلۡإِنسِۖ إِنَّهُمۡ كَانُواْ خَٰسِرِينَ
Waxaana u yeellay (gaalada) saaxiibbo ku xidhiidha , markaasay u qurxiyeen waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda (oo denbiyo) ah , waxaana ku dhaboobay Qawlka (cadaabka) siduu ugu (dhaboobayba) kuwo ka mid ahaa ummadahii hortood tegay oo jin iyo insiba leh – inay iyagu yihiin kuwo khasaaraya.
Explanation & meanings · 2
- Adduunkan gudahi ee ka mid ah jinka iyo dadka.
- Waxa hortood ah ee leh macmacaanno, barwaaqooyin, waxaana loola jeedaa waxa gadaashood ah hididdiilooyin been ah.