Skip to content
Liiska Suuradaha /

غَافِر

غَافِر is chapter 40 of the Quran and has 85 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.

85 Aayadaha Lambarka Suuradda 40
Tag aayad
Soomaaliga · Yacob
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

حمٓ

Xaa Miim .

Explanation & meanings · 1
  1. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1

تَنزِيلُ ٱلۡكِتَٰبِ مِنَ ٱللَّهِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡعَلِيمِ

Soo dejinta Kitaabka (Qur’aanka) waa Xagga Alle, Adkaadaha Sare, wax kasta Ogsoonaha ah.

غَافِرِ ٱلذَّنۢبِ وَقَابِلِ ٱلتَّوۡبِ شَدِيدِ ٱلۡعِقَابِ ذِي ٱلطَّوۡلِۖ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۖ إِلَيۡهِ ٱلۡمَصِيرُ

Denbi dhaafaha, Tawbad aqbalaha, Daran yahay Ciqaabkiisu, Rabbiga Nicmadda Badan. Ma jiro ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga aheyn. Waa Xaggiisa meel Noqodka Dambe.

مَا يُجَٰدِلُ فِيٓ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ إِلَّا ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فَلَا يَغۡرُرۡكَ تَقَلُّبُهُمۡ فِي ٱلۡبِلَٰدِ

Cidina kama dooddo Aayadaha Alle aan ahayn kuwa gaalooba. Ee yeysan ku hodin gadgaddoonkooda iyo galoobaxooda magaalooyinka.

كَذَّبَتۡ قَبۡلَهُمۡ قَوۡمُ نُوحٖ وَٱلۡأَحۡزَابُ مِنۢ بَعۡدِهِمۡۖ وَهَمَّتۡ كُلُّ أُمَّةِۭ بِرَسُولِهِمۡ لِيَأۡخُذُوهُۖ وَجَٰدَلُواْ بِٱلۡبَٰطِلِ لِيُدۡحِضُواْ بِهِ ٱلۡحَقَّ فَأَخَذۡتُهُمۡۖ فَكَيۡفَ كَانَ عِقَابِ

Qoladii Nuux iyo xizbiyadii ka dambeeyay (sida Caad, Thamuud, iwm) baa beeniyey (anbiyadii Alle) iyaga hortood, ummad walbana waxay doontay Rasuulkoodii inay qabato (oo ay dilaan), waxayna ku doodeen baadil si ay ugu tirtiraan Xaqa, markaasaan qabtay, ee siduu mid daran u ahaa Ciqaabkaygii (aan ku ciqaabay kuwa Xaqa beeniyey).