Skip to content
Liiska Suuradaha /

الأنفَال

الأنفَال is chapter 8 of the Quran and has 75 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.

75 Aayadaha Lambarka Suuradda 8
Tag aayad
Soomaaliga · Yacob
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

يَسۡـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلۡأَنفَالِۖ قُلِ ٱلۡأَنفَالُ لِلَّهِ وَٱلرَّسُولِۖ فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَصۡلِحُواْ ذَاتَ بَيۡنِكُمۡۖ وَأَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥٓ إِن كُنتُم مُّؤۡمِنِينَ

Waxay wax kaa su'aali (xukunka) qaniimooyinka (dagaalka). Dheh, (go’aanka ku saabsan) qaniimooyinka waxaa leh Alle iyo Rasuulka. Ee Alle ka cabsada oo hagaajiya (xalleeya) waxa idiin dhexeeya oo khilaaf ah. Adeeca Alle iyo Rasuulkiisa, haddaad tihiin mu’miniin.

إِنَّمَا ٱلۡمُؤۡمِنُونَ ٱلَّذِينَ إِذَا ذُكِرَ ٱللَّهُ وَجِلَتۡ قُلُوبُهُمۡ وَإِذَا تُلِيَتۡ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتُهُۥ زَادَتۡهُمۡ إِيمَٰنٗا وَعَلَىٰ رَبِّهِمۡ يَتَوَكَّلُونَ

Sideedaba mu’miniintu waa uun kuwa ay cabsato oo nuglaato quluubtoodu marka la xuso Alle 'weyneyn iyo ka heybeysi darti', marka Aayadahiisa loo akhriyona ay u kordhiyaan Iimaan; Rabbigood (Keliyana) tala saarta oo isku halleeya.

ٱلَّذِينَ يُقِيمُونَ ٱلصَّلَوٰةَ وَمِمَّا رَزَقۡنَٰهُمۡ يُنفِقُونَ

Ee ah kuwa ooga salaadda oo waxa aan siinnay wax ka bixiya (sadaqaysta).

أُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ حَقّٗاۚ لَّهُمۡ دَرَجَٰتٌ عِندَ رَبِّهِمۡ وَمَغۡفِرَةٞ وَرِزۡقٞ كَرِيمٞ

Kuwaasi waa mu’miniinta runta ah. Waxay ku leeyihiin darajooyin 'sare' Rabbigood agtiisa, iyo denbi dhaaf iyo risiq wanaagsan.

كَمَآ أَخۡرَجَكَ رَبُّكَ مِنۢ بَيۡتِكَ بِٱلۡحَقِّ وَإِنَّ فَرِيقٗا مِّنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ لَكَٰرِهُونَ

Siduu Rabbigaa kaaga soo saaray gurigaaga si xaq ah , inkastoo qaar ka mid ah mu’miniinta ay kahanayeen.

Explanation & meanings · 1
  1. Inaad u baxdo dagaalkii Badar waxay la mid tahay siduu kuu amray inaad ugu qaybiso qanoomiyinka dagaalka si xaq ah dhexdood, oo labaduba ahaa khayr.