8 : 6
يُجَٰدِلُونَكَ فِي ٱلۡحَقِّ بَعۡدَ مَا تَبَيَّنَ كَأَنَّمَا يُسَاقُونَ إِلَى ٱلۡمَوۡتِ وَهُمۡ يَنظُرُونَ
Waxay kaala doodayeen xaqa kaddib markuu u caddaaday, (waxay baxeen) sidii iyagoo loo wado dhimasho iyagoo eegaya.
Explanation & meanings · 1
- Waxay tilmaameysaa dooddii dhex martay muslimiinta xagga qaybinta qaniimada dagaalka. Alle wuxuu u qaybshay qaniimooyinka si xaq ah sida uu u amrayba Nabiga s.c.w. inuu kaga baxo guriga oo u aado dagaalka Badar si xaq ah. Ad-Dabari waxaa ku qoran inay ka baxeen guriga iyagoo u socda dagaalka Badar.