Skip to content
Liiska Suuradaha /

المُنَافِقُونَ

المُنَافِقُونَ is chapter 63 of the Quran and has 11 verses. This page presents it in full in the Uthmani script, with a verse-by-verse translation of its meaning.

11 Aayadaha Lambarka Suuradda 63
Tag aayad
Soomaaliga · Yacob
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

إِذَا جَآءَكَ ٱلۡمُنَٰفِقُونَ قَالُواْ نَشۡهَدُ إِنَّكَ لَرَسُولُ ٱللَّهِۗ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ إِنَّكَ لَرَسُولُهُۥ وَٱللَّهُ يَشۡهَدُ إِنَّ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ لَكَٰذِبُونَ

Markay munaafiqiintu kuu yimaadaan (Nabi Muxammadow) waxay yidhaahdaan: Waxaanu marag ka nahay inaad tahay Rasuul Alle . Alle waa Og yahay inaad tahay Rasuulkiisa, Allena wuxuu marag ka yahay inay munaafiqiintu yihiin beenaalayaal.

Explanation & meanings · 1
  1. Waxay ugu dhaarteen si ay u badbaadsadaan maalkooda iyo nafahooda oo loo nabad geliyo maadaama ay daahirka muslimiiin yihiin.

ٱتَّخَذُوٓاْ أَيۡمَٰنَهُمۡ جُنَّةٗ فَصَدُّواْ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِۚ إِنَّهُمۡ سَآءَ مَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ

Waxay ka dhigtaan dhaarahooda gaashaan. Oo sidaas uga weeciyaan (dadka) jidka Alle. Xumaa waxay falaan.

ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمۡ ءَامَنُواْ ثُمَّ كَفَرُواْ فَطُبِعَ عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ فَهُمۡ لَا يَفۡقَهُونَ

(Arrin)kaasi waxaa ugu wacan inta rumeeyaan (af ahaan) bay haddana (hoosta) ka gaaloobaan, markaasaa quluubtooda la daboolay, sidaas awgeed wax ma fahmaan.

۞ وَإِذَا رَأَيۡتَهُمۡ تُعۡجِبُكَ أَجۡسَامُهُمۡۖ وَإِن يَقُولُواْ تَسۡمَعۡ لِقَوۡلِهِمۡۖ كَأَنَّهُمۡ خُشُبٞ مُّسَنَّدَةٞۖ يَحۡسَبُونَ كُلَّ صَيۡحَةٍ عَلَيۡهِمۡۚ هُمُ ٱلۡعَدُوُّ فَٱحۡذَرۡهُمۡۚ قَٰتَلَهُمُ ٱللَّهُۖ أَنَّىٰ يُؤۡفَكُونَ

Markaad aragto (munaafiqiinta) wuu ku cajab gelin muuqaalka jirarkooda; hadday hadlaanna, waad dhageysan hadalkooda, waxaad mooddaa dogobyo la tiirtiiriyey oo dhar la huwshay. Waxay moodi dhawaaq walba in iyaga loogu dan leeyahay. Waa iyaga cadowga, ee ka digtoonow. Allaha baabbi’iyee! Xaggee looga iilay (Xaqa)?

Explanation & meanings · 1
  1. "Sida inay yihiin dogoybo la tiirtiiriyey” waxaa loola jeedaa waxay leeyihiin jirar leh cuquul iyo qalbiyo maran, inkastoo jirkoodu qurxoon yahay oo ay cod kar yihiin hadalka heli og.

وَإِذَا قِيلَ لَهُمۡ تَعَالَوۡاْ يَسۡتَغۡفِرۡ لَكُمۡ رَسُولُ ٱللَّهِ لَوَّوۡاْ رُءُوسَهُمۡ وَرَأَيۡتَهُمۡ يَصُدُّونَ وَهُم مُّسۡتَكۡبِرُونَ

Marka lagu yidhaahdo (munaafiqiinta): Kaalaya, ha idiin denbi dhaaf dalbee Rasuulka Alle, waxay dib u jeediyaan madaxyadooda, oo arkeysaa iyagoo sii jeesanaya oo isla weyn.